Hoggaamiyaha Myanmar oo ka Gabbatey Shirweynaha QM

0
393

Haweeneyda ku suntan hoggaamiyaha qaran ee Myanmar , Aung San Suu Kyi ayaan ka qeyb geli doonin shirweynaha soo socda ee golaha guud ee QM ee ka dhacaya New York.

Afhayeen u hadley xisbigeeda  (NLD),  ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in haweenaydan oo heysata abaalmarinta billada loo yaqaan ‘Nobel Peace Prize’ ay ka baaqsaneyso kulanka  New York ee bishan  September 20.

Afhayeenku ma bixin wax sabab ah oo baaqashadeeda la xidhiidha.

Waxaase la og yahay in haweeneyda Aung San Suu Kyi, oo teytalkeeda rasmiga ahi yahay la taliyaha qaran in ay ka soo waajaheen dhaleeceymo xoog lihi wax ka qabasho la’aanteeda dilalka habeysan iyo bara kicinta lagu hayo   muslimiinta Rohingya ee gobolka galbeedka  ee Mayanmar..

Ilaa bishii August 25 keediii tiro gaadheysa , 370,000  oo Rohingya ayaa u cararey dalka jaarka h ee  Bangladesh. .

 

 

Leave a Reply