Saddex dumar ah oo u shaqayn jiray shirkadda wax laga baadho ee Google ayaa maxkamad geeyay dacwad ka dhan ah shirkadda, iyaga oo ku eedeeyay in ay dumarka siiyaan lacag ka yar midda ay siiso ragga haya shaqooyin kuwooda u dhigma.
Dacwadan ayaa lagu sheegay in Google ay ka warhayso xaaladdan, balse aysan waxba ka qabanin.
Arrintan ayaa imanaysa iyadoo shirkaddaha Silicon Valley aad isha loogu hayo, si dhawna loola socda macaamiiltankooda labka iyo dheddiga.
Waaxda shaqaalaha ee dalka Maraykanka ayaa sidoo kale baadhitaan ku haysa sida Google ay mushahaaraadka u siiso.
“Waxaa la joogaa wakhtigii shirkaddaha tiknoolajiyaddu ay joojin lahaayeen iska indhotirka arrimahan.” ayay tidhi Kelly Ellis, oo horay ingineer software-ka qaabilsan uga soo noqotay Google, kana mid ah labada dumarka ah ee hadda dacwadda geeyay.
Twitterka ayay ku soo qortay in dacwaddan ay Google iyo shirkaddaha kale ay ku qasbi doonto in ay baddalaan hab dhaqankooda.