Markab Siday Muhaajiriin oo loo Diiday inuu ku Xidho Talyaaniga

0
415

Markab u kireysan hay’adda dhakhaatiirta aan xudduudda lahayn ee MSF oo siday dad muhaajiriin ah ayaa loo diiday in uu ku xidho dekadda jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Markabka ayaa doonayay in dadkaasi muhaajiriinta ahi uu ku dejiyo halkaa balse waxaa laga hor istaagay in uu dekadda ku xidho.

Tallaabada loogu diiday markabkaasi in uu ku xidho dekadda ayaa qayb ka ah siyaasadda Talyaaniga ee ka dhanka ah qulqulka muhaajiriinta.

Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa  hor istaagay markabkaasi oo siday 127 qof oo muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay badda.

MSF ayaa waxa ay ka mid tahay hay’adaha samafalka ee diiday in ay saxeexaan xeer cusub oo ay soo saartay dowladda Talyaaniga.

Talyaaniga sheegaya in joogitaanka hay’adahaasi ay dhiirigelinayso dadka ka soo tahriibaya dalka Liibiya.

Haseyeeshee hay’adahani ayaa ku doodaya in xeerkaasi uu lid ku yahay hawlgalladooda bani’aadanimada, waxa ayna sheegayaan in ay u hoggaansamayaan oo kaliya shuruucda caalamiga ah.

Leave a Reply