Natiijada Kulan Dubai Lagu Qabtay oo Lagu Lafo-guray Xaaladda Dekedda Berbera

0
355

Dubai(Dawan)- Weftigii Golaha Wasiirrada  Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee booqashada ku joogay dalka Imaaraadka Carabta,  ayaa kullan muhiima la yeeshay saraakiisha ugu saraysa shirkadda DP World ee gacanta ku haysa dekedda Berbera.

Sida lagu sheegay qoraal xalay ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada. Kulanka oo ay Jamhuuriyadda Somaliland metelayeen  Wasiirrada Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka MaaliyaDda Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Qorsheynta Maxamed Aadan Qabo, Maareeyaha Dekedaha  Somaliland, Siciid Xasan C/llaahi iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka UAE Amb. Baashe Cawil Cumar, ayaa la kulmay   gudoomiyaha Shirkada DP World,  Suldaan Bin Zubeyr iyo Maareeyaha Guud shirkadan,  Suheyl Bin Al-Bani. Shirkan ayaa labada dhinac kaga wada hadleen mashruuca ballaadhinta dekedda Berbere, Free Zone-ka ay, Mashaariicii samofal iyo horumarin isugu jira oo DP World ka samayn doonto Somaliland.

 

Shirka labada dhinac ku dhexmaray xarunta Guud Shirkada DP World ee magaalada Dubai ayay masuuliyiinta shirkadaasi  balanqaadeen inay si dhakhso ah bilaabi doonaan mashruuca ballaadhinta iyo casriyeynta dekedda Berbera, iyagoo tababarro dheeraad ah siin doona shaqaalaha dekedda Berbera ka hawlgala.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply