Wasiirka Wershadaha oo Xaal ka Bixiyay Hadal ka soo Yeedhay Abiib Timacad

0
352

Gabiley (Dawan)-  Wasiirka Wasaaradda Wershadaha Jamhuuriyadda Somaliland Shucayb Maxamed Muuse, ayaa bulshada Gabiley raaligelin ka siiyay hadallo gef  iyo ceeb ahaa oo dhawaan ka soo yeedhay Abiib Timo-cad oo ka tirsan xisbiga Waddani.

Hadalka uu wasiirku raaligelinta ka bixiyay  ayaa ka danbeeyay markii uu dhawaan Abiib Timacad ku tilmaamay  dadweynihii sida mawjadaha u ruxay ee dhawaan Gabiley ku soo dhaweeyay gudoomiyaha Kulmiye  iyo madaxweyne ku-xigeenka in ay ahaayeen kuwo meel kale laga soo ururiyay iyo caruurtii agoomaha Hargaysa.

Hase yeeshee wasiirka wershadaha ayaa ku macneeyay hadalka Abiib Timocad mid ka dhashay in mucaaridku ay ka masuugeen taageeradii iyo soo dhawayntii qiimaha lahayd ee bulshadda Gabiley ku qaabishay  weftigii uu hogaaminayay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo musharaxa Kulmiye.

“Aqoon yahanka Gabiley cuqaasha, wax-garadka, dhalinyaradda iyo haweenka ayaa dhoolatus ku soo dhaweeyay xisbiga Kulmiye. Arrintaasi kamay farxinin xisbiyadda mucaaridka ah, waayo tartan ayaa lagu jiraa.

Waxay u dhigeen   eray aan Af-keena iyo Afka dadka wanaagsan aan ku haboonayn, oo ahayd in ay yidhaahdeen dadkii musharaxiinta Kulmiye ku  soo dhaweeyay Gabiley waxay ahaayeen, caruurtii bilaa aabaha (orphanage-ka) ahayd  oo laga soo guray Hargaysa”ayuu yidhi wasiir Shucayb oo hadal ka jeediyay munaasibadii qalin jebinta jaamacadda Gabiley.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Arrintaas xaal ayaanu idinka siinaynaa, waxaanay ahayd arrin aad iyo aad u khaldan. Dad dhalad ah, oo reer Gabiley ah, oo aan meel kale laga soo gurin  ayay ahaayeen.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply