Hargeysa(Dawan)- Wasaaradda degaanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo khubarro dhinaca duur-joogta ah, ayaa wadajir u soo qaban qaabiyey shir saddex maalmood socday oo lagaga hadlayey ka hortaga xayawaannada sida sharci darrada ah loo dhoofiyo. Shirkan oo ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah, waxa dulucdiisu ahayd sidii loo diyaarin lahaa sharcigii lagaga hortegi lahaa ka ganacsiga duur-joogta iyo tallaabooyinkii laga qaadi lahaa cidda lagu qabto.
Shirkan oo ay diyaarintiisa lahayd Jaamacada Colorado State ee dalka Maraykanka, isla markaana ay gadh-wadeen ka ahayd hay’adda Murrulle Foundation, waxa lagu soo bandhigay xogo ku saabsan ka ganacsiga iyo tariibinta duur-joogta Somaliland ee sannadihii la soo dhaafay. Patricia Tricorache oo ka socotay hay’ad lagu magacaabo Cheetah Foundation ama hay’adda ilaalinta Harimcadka ayaa sheegtay in baadhitaan la helay sanadkii 100 Harimcadka yar-yar ee loo yaqaano Caga-baruurka loo dhoofiyo dalalka Gacanka carabta.
Patricia Tricorache waxay soo bandhigtay baadhitaan la sameeyey sanadkii 2014 oo ay diyaarisay hay’ada CITES ee qaabilsan ka hortaga ka ganacsiga sharci darada ah ee duur-joogta iyo xayawaanada dabar go’aya. Warbixintaasi waxay Somaliland ku dartay waddamada ay soo maraan xayawaanada sida qarsoodiga ah loo dhoofinayo ee Harimcadku ka mid yahay, kuna socda gacanka carabta.
Cheetah Foundation waxay sheegaysaa in baadhitaanka la helay qaarkood tirada Harimcadka yar-yar ee sida qarsoodiga ah loo dhoofiyo ay sannadkii ka dhigayaan 300 boqol. Harimcadka oo ka mid ah xayawaannada dunida ka dhammaanaya waxa lagu iibsadaa lacag aad u dhiiri gelinaysa kooxaha Tariibiyeyaasha ah. Hay’adaha sharciga iyo wasaaradda degaanka ee Somaliland waxay marar badan goob-joog u ahaayeen xayawaan la tariibinayo oo la qabtay, laakiin waxa dhiman xeerkii lagula tacaali lahaa sida ay sheegtay Patricia Pricorache, waxaanay soo jeedisay Ia sameeyo xeerkii badbaada iyo ka hortaga u noqon lahaa xayaqaanada dabar go’aya iyo kuwa kale ee duur-joogta ah.
Wasiirka wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyiga Marwo Shukri X. Ismaciil Bandare oo ka hadashay shirkaa furitaankiisii iyo xadhitaankiisiiba waxay sheegtay in shirkani ahaa kii ugu ballaadhnaa, isla markaana ay ka soo qayb galeen qaybo badan oo ay ku jiraan hay’adaha sharciga iyo hay’ado badan oo degaanka qaabilsan. Waxay kale oo ay intaas ku dartay in shirkan lagu soo bandhigay warbixino ka hadlaya wixii duur-joog ah ee sannadihii la soo dhaafay laga dhoofiyey Somaliland iyo meelaha la geeyey oo ay ugu badan yihiin dalalka Gacanka carabta.
Marwo Shukri waxay tidhi “Wixii la dhoofiyey tiradooda iyo meelaha ay tageenba waanu haynaa, layskaga hadhi maayo, hay’adihii ammaanka iyo kuwii sharciguba way inla joogaan.” Waxa kale oo shirkaa ka hadlay Taliye ku xigeenka Booliiska Somaliland iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare waxaanay sheegeen in ay doorkooda qaadan doonaan.
Ka qaybgalayaashu waxay ka kala socdeen hay’adaha degaanka qaabilsan ee Somaliland sida, PENHA,HSPCA, Candlelight, SBF iyo kuwa kale. Sidoo kale hay’adaha caalamiga ah ee la sheeqaya wasaaradda sida, CCF, DECAN, GIZ iyo IFAW. Hay’adahan qaarkood tobankii sanno ee ugu danbeeyeyba waxay la shaqaynayeen wasaaradda deegaanka, waxaanay kala shaqaynayeen dhinaca ka hortaga dhoofinta xayawaanka sida, CCF, DECAN, NREL Bishii April ee sannadkan 2017 waxa ku soo biiray wasaaradda hay’adaha IFAW, SBF iyo IUCN.
Dawannews Hargeysa office