Siyaasi ku Eedeeyay WADDANI Inuu Tumayo Durbaan Qabyaaladeed

0
363

Hargeysa (Dawan)- Siyaasi Maxamed Saleebaan Wayne oo ka tirsan xisbal-xaakimka KULMIYE, ayaa WADDANI ku eedeeyay in uu tumayo durbaanno qabyaaladeed oo ay iskaga horkeenayaan bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland.

Siyaasigu waxa kaloo uu sheegay in guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa  madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi ay ummada reer Somaliland ku dooranayso tacabkii uu dalka gashaday iyo halgankii dheeraa ee uu u soo maray qarankan.

“Xisbiga Waddani waxa uu hab-dhaqankiisu yahay in uu tumo durbaan colaadeed, xumaan iyo dadka oo layska horkeeno, socdaalkii dheeraa ee guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ku tegay goballada bariga, waa la ogaa sidii loo soo dhaweeyay iyo arrimuhu siday ahaayeen, waxaana guddoomiyaha xisbiga Kulmiye uu u hoyday oo uu seexday magaalada Fiqifuliye.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani waxa uu seexday Bohol oo aad moodo in uu hab qabiil u tagay halkaa, waxaana uu subaxnimadii shiriyay dadkii magaalada Bohol oo ku yidhi ‘dib laydiin ciili maayo’, socdaalkii xisbiga Waddani ku tegay goballada bariga waxa uu ahaa mid is dhexyaaca. waa fardo laga dagay siyaasiyiinta ku jirta xisbiga Waddani ee ka tirsanaan jiray xisbigii UDUB, waana niman siyaasadda hore ugu fashilmay, waxaanay ahayd in ay goor hore galaan hadday xisbi galayaan, maaha aakhirka in ay galaan xisbiga Waddani,” ayuu yidhi Maxamed Saleebaanoo u warramay Universal TV.

Waxa kaloo uu ka hadlay asbaabaha lagu dooranayo Guddoomiye Muuse Biixi, waxaannu yidhi; “Xisbiga Kulmiye waxa hoggaaminaya Muuse Biixi Cabdi oo dalkan xorayntiisii, dawladayntiisii iyo nabadayntiisii ka soo qaybqaatay oo aqoon ku filan u leh, taas oo u saamaxaysa in dalkan uu madaxweyne ka noqdo. labo iyo toban sanno ayuu Cirro guddoomiye ka ahaa Baarlamaanka, waxaana wali yaalla dastuurkii qabyada ahaa ee uu ka tagay marxuum Cigaal oo qodob aanu ku kordhin ayaa yaalla, waxaana loogu taag waayay in uu dajiyo xeerkii lagu dooran lahaa golaha wakiillada.”

 

“Muuse Biixi waxa yaqaana dadka, ciidda iyo dhirta.  qiimo ayuu ku leeyahay dadka, waxaana loogu codaynayaa wixii uu dalka gashaday, sidaa daraadeed qaylada yeedhaysaa waxa laga cabsi qabaa guusha uu gaadhayo murashaxa Kulmiye, taas ayaa laga sii cabsi qabaa. waana xaqiiq in Waddani laga guulaysanayo, waxaana aan ka codsanayaa in aanay dadka walaalaha ah isku dirin, waxaanay wadaan in ay beelaha isku dhuftaan,”ayuu yidhi Maxamed Salaabeen.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply