Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland ayaa daboolka ka qaaday in la dhammeeyay cabasho ka timi Hay’adda WFP oo ay kaga cabanaysay soo dejinta caawimooyinka ay keento Somaliland ee ka soo degaya Dekedda Berbera.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland, Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire) oo shalay ka hadlay cabashada hay’adda WFP u gudbisay xukuumadda gaar ahaan xafiiskiisa, ayaa sheegay in cabashadaas ay dhammeeyeen isla markaana ay dawladda Somaliland iyo madaxda ugu sarrayssa Shirkadda DP-World ee maamusha Dekeda madaalada Berbera ay ka wada hadleen isla markaana ay isla qaateen in mudnaanta koobaad la siiyo wixii aadaminimada la xidhiidha loona kala qaaday laba qaybood oo kala ah mudnaanta koobaad iyo labaad oo wixii ay keento WFP la siinayo mudnaanta koobaad wixii kale ee aadaminimo la xidhiidha ee koonteenaro ahna la siinayo mudnaanta labaad.
Wasiirku waxa uu intaa raaciyay in madaxda Hay’adda WFP uu kulan la yeeshay, isla markaana is faham wanaagsanna ay ka gaadheen oo arrintaa cabashada ah la xalliyay, waxaanu yidhi “Warqadaasi way jirtay ee ay ku cabanayeen xafiiska WFP ee Somaliland, xafiiskayga ayaanay warqadaasi ku socotay oo ay soo gaadhay, madaxa WFP ee Somaliland Al-Rashiid halkan (Xafiiska Wasiirka), ayaanu isugu nimi si wanaagsan ayaanuna arrintaa uga wada hadalnay, cabashadaasina imika way dhamaatay oo waa la xaliiyay.”
Qabyo tire waxa kale oo uu ka hadlay socdaal wefti Wasiirro ka socda Somaliland ay ku tageen dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo kulammo la yeeshay madaxda ugu sarraysa Shirkadda DP-World, waxaanu yidhi “muddo toban cisho ah ayaanu safar sahqo ugu maqnayan dalka Imaaraadka Carabta waxaanan tagnay Dubay iyo Abu Dabay, waxaanan kulamo la yeelanay madaxda ugu sarraysa shirkadda DP-World, si wanaagsan ayaanan uga wada hadalnay is faham wanaagsana waanu isla qaadanay waxaanan isla garanay in ahmiyadda koobaad la siiyo wixii la xidhiidha aadaminimada ee dekeda ka soo degaya, kuwaas oo aanu u kala qaadnay ahmiyadda koobaad iyo ahmiyadda labaad, ahmiyadda koobaadna waxaanu ka dhignay wixii ay keento Hay’adda WFP, wixii koonteenaro lagu keenana waxaannu isla qaadanay in ahmiyadda labaad la siiyo, cabashadaasna dawladda Somaliland way xallisay, waanay dhamaysay.”
Wasiirka oo ka hadlayay waxyaabaha ay dekeda iyo guud ahaan magaalada Berbera ku soo kordhisay Shirkadda Dp-World, ayaa yidhi “DP-World wax badan ayay ka qabatay dekeda Berbera imika qalabkiina wuu yimmi, horumarintii dekeddana waa la bilaabayaa, waxa kale oo ay la wareegtay DP-World caafimaadka magaalada Berbera, waxaanay dhisaysaa cisbitaal wayn oo magaaladu yeelato oo ay keenayso dhakhaatiir caalami ah oo dadka u adeega. waxa kale oo ay la wareegeen biyihii oo magaalada ceel cusub ayay u qodayaan, waxa kale oo ay la wareegtay laydhka Berbera oo ay isna habaynayso, markaa wax badan ayay ka qabteen Berbera guud ahaan iyo gaar ahaan Dekedaba.”
Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in Shirkadda DP-World ay siisay Xisbiga KULMIYE lacag uu ololaha ku galo, waxaannu yidhi; “Wararka sheegaya in Shirkadda DP-World ay siisay xisbiga KULMIYE lacag ay ololaha ku galaan waxba kama jiraan waana been abuur cad oo xaqiiqada ka fog.”
Dawannews Hargeysa office