Markii ay soo gashay gabadha 45 jir ahi , saldhiga booliiska ee magaalda Toulose oo ku yaalla galbeedka Faransiiska bishii April waxa ay u sheegtay inay iibsatay sadex jawaan oo maandooriyaha Cocaine, laakiin jawaanka sadexaad uu aha mid caamays ah sida awgeed ay doonayso in loo soo xidho dadkii ku cameeyay maandooriyaha xun, iyadoo wakhtigaasi gacanta ku siday qayb yar oo ay bac ku soo qaaday.
Waxaana ay booliiska ka codsatay inay baadhis ku sameeyaan qaybtii ay siday si ay u ogaadaan inay caamays tahay.
Gabadhan iyadoo hadalkeeda sii wadata tidhi “ Anigu wan ka iibin kara dadka laakiin marabou Maandooriye caamays oo aan tayo lahayn iibiyo waayo waxay keenaysaa inay xaddi badan ka qaataan lagana yaabo inay ku dhintaan”.
Taliyaha Xarunta oo aad u yaaban ayaa is weydiinayay inay gabadhu miyir qabto iyo in kale? Maxaa yeelay maandooriyaha ay gacanta ku sidaataa waa manuuca waana xadhig qofka lagu qabto, kaasi oo ah weliba xadhg muddo dheer ah. Booliiska ayaa baadhis ka dib ogaaday inay nacas sakhraantay tahay sidaa awgeeda waxa loo gudbiyay jeelka iyadoo lagu xukumay 8 sano oo xadhig ah. (Telegraph.Co.Uk).