Farnsisco Scrapa oo ah maalqabeen u dhashay dalka Barasil oo da’diisu tahay 62 sano ayaa bartiisa Facbook ku soo qoray weedhahan :” waxaan jecalahay inaan aaso baabuurkayga cusub ee qaaliga ee Bently kuna aaso beertayda. Baabuurkasi oo qiimhiisu dhamaa lacag ka badan nus malyuun doller ayuu sheegay inuu rabo inuu isticmaalo marka uu dhinto.
Scarpa ayaa sheegay in fikirkaasi uu ku dhashay markii uu daawaday filim ka hadlaya Faraaciinta Masar oo marka geeridoodu soo dhowaato aasi jiray dhamaan wixii ay hanti leeyihiin.
Isla markiiba waxa share gareeyay 6000 qof , iyagoo 5680 ay like saareen, markii uu ku faafay baraha bulshada qof kasta oo reer Barasil ahi wuu maqlay, waxaana uu noqday arrin lagu dhaleeceyay.
Bulshada aya is weydiinaysay nacasnimada ninkan haysta madaama Barsail ay ka buuxaan dad sabool ah oo u baahan in gaajada laga caawiyo.
Inkasta oo ay dadku aad ugu dhaleecyeen haddana ma joojin arinkiisa waxaana uu cadeeyay sida uu u rabo inuu arinkaasi u hireglinayo.
Maalintii la isugu yimi aaska gaadhiga waxa ka soo qayb galay dhamaan warbaahinta, markii hoogii la dhameeyay ee gaadhigii lagu dhaacdhiciyay ee la sugayo in ciida lagu rago ayuu yidhi joojiya, oo isla markaana warabaahinta gurigiisa wada geeyay waxaana uu haddan akhriya warqad ay ku qoraayeen erayadan :” Dad badan ayaa ka cadhaysan ficilkan aan samayanayo, iyadoo dunida dad badani gaajo u dhimanayaan, haddii aan gaadhigayga aaso waxaan la aasayaa wax kale oo ka oo ka qaalisan, laakiin haddii aan iibiyo dad badan ayuu gaajada ka saaraya, waana sida aan goostay, waxaan muhiim ah inaad adigoo nool dadka dhibaato ka saarto oo aad wax tarto”.
Dad badan ayuu indhaha caalamka ku soo jeediyay inay kaalmeeyaan dadka u baahan caawimda. Sheekadiisa ayaa noqotay mid caan oo dhamaan Tv caalmiga laga soo wada iyadoo waraysi laga qaaday. Dadka hantida haysta ee reer Barasiil ayaa iyana bilaabay inay caawiyaan dadka saboolka ah. (dailymail.co.uk)