Hargeysa(Dawan)- Guddoomiyaha ahna Murrashaxa madaxweynaha xisbiga talada haya ee KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay Guddida ololaha ee Gobolka Gabiley.
Guddoomiye Muuse Biixi wuxuu sidaas ku sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray, waxaanu ku magacaabay Guddi olole oo ka kooban 24 xubnood. Warqada uu ku magacaabay guddidaasi waxay u qornayd sidan:- “Kadib markii aan arkay muhiimadda Guddiyadda Ololaha Gobolladu u leeyihiin habsami-u-socodka iyo hufnaanta maamulka ololaha doorashada ee Xisbiga KULMIYE, waxa loo magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Guddida Ololaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga KULMIYE, laga bilaabo maanta (shalay) oo ay bishu tahay 8 October, 2017. Gobollada dhiman waxa la soo magacaabi doonaa dhawaan.
Gobolka Gabiley:
- Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi – Guddoomiye
- Kaamil Muuse Geedi – Guddoomiye Ku Xigeen
- Axmed Maxamuud Shirwac
- Mukhtaar Jibriil Muuse
- Axmed Cali Dable
- Maxamed Axmed Aw Cabdi Xabiib
- Bedri Muuse Cumar
- Khadar Baaruud Cumar
- Cali Sh. Maxamed Cabdi
- Xaliimo Mooge Cali
- Axmed Muxumed Cumar
- Cabdiwaasic Maxamed Yuusuf
- Maxamed Axmed Geelle
- Cabdi Cumar Diiriye
- Cabdirisaaq Aw Muuse Xasan
- Guuleed Cabdi Cabdillaahi
- Isaxaaq Sh. Axmed Sh. Muxumed
- Cabdi Daa’uud Cismaan
- Saado Cabdi Kooshin
- Sucaad Cabdi Muxumed
- Deeqa Aw Muuse Rooble
- Haweeya Cabdi Kaahin
- Muna Mawliid Warsame
- Safiya Cali Aw Axmed
Fiiro – gaar ah: Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobol kasta, waxa uu noqonayaa Xoghayaha Guddida Ololaha ee isla Gobolkaa. ALLAA MAHAD LEH.”
Dawannews Hargeysa office