Wasiirka Madaxtooyada oo Dood Looga Garaabay ku Muujiyay Galdaloolooyinka Xisbiyada Mucaaridka

0
395

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa dood iyo  garnaqsi bisayl ka muuqdo   warbaahinta u mariyay  xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID.  Waxaanu ku booriyay inay la shir yimaadaan  naqdi xalaal ah oo daliilo wata.

Wasiirka Madaxtooyadu wuxuu   ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaridka  inaanay siyaasadooda ku soo ururin wax uu ugu yeedhay cay iyo aflagaado. Waxaanu ku goodiyay inay badka keenaan wixii ay caddaymo u hayaan ee xukuumaddu xumaysay.

“Maanta loollan ayaa lagu jiraa, doorashadiina waxa hadhay muddo yar, waana lays dafirayaa. Waxaannu arkaynaa ragga aannu talada dalka isku hayno oo habeen iyo maalinba talo kaga ururtay cay iyo dafiraad, waxaanuna leenahay waar wax waxaa dhaama la kaalaya. Annagu caytami mayno, af-legaadoonna mayno. Siyaasadda iyo tartanka waxaannu u naqaan in si sharaf leh loo loollamo, si sharaf lehna laysku dhaliilo, laakiin aflegaadadu siyaasadda way ka reebban tahay,”ayuu yidhi  madaxtooyada oo ka hadlayay Sabtidii xaflad  tababar loogu xidhayay dufcad cusub oo loo carbiyay ciidanka dabdamiska caasimadda Hargeysa isla markaasna madaxweynuhu xadhiga kaga jaray xarunta ciidankaas.

 

 

Wasiirku wuxuu ku xujeeyay  haddii  mucaaridku  hayaan eedaymo musuqmaasuq oo ay xukuumadda u tirinayaan  ay  badka soo dhigaan  xaqiiqooyin  u cuntami kara shacabka, waxaanu yidhi; “Dalkii ayaa la cunay, dalkii ayaa la boobay, dalkii ayaa la xaraashay; waar erayadaasi waa aflegaado. Ninkii haya wax la cunay iyo wax la xaarashay shacbiga reer Somaliland indhahooda ayey qabaane badka ha keeno. Caydu way sahlan tahay, laakiin xaqiiq ayey u baahan tahay.”

Doodaas cad ee wasiir Maxamuud Xaashi waxay dhalisay dood dadka siyaasadda ka madax-bannaani ay u garaabeen, kuna tilmaameen inuu yahay masuul aan wax iin ah isku ogayn.

Waxa kaloo dadka siyaasadda faaqidaa ay uga  marag fureen hadalka wasiirka madaxtooyada in kaalintii siyaasiyiinta mucaaridku ku soo ururtay  eedo qaraxa oo aanay tahli karin inay ummadda la wadaagaan wixii ay marag muujin  u hayaan eedaha joogtada ah ee ay xukuumadda ugu jeediyaan qof qof iyo wadar ahaanba.

 

 

dadka ku foogan  siyaasadu waxay ku  qireen in xisbiyada mucaaridka ahi inta barnaamijyadooda siyaasiga ah iyo waxay qaban doonaan ay ummadda ka dhaadhicin lahaayeen inay wakhtiga ugu badan geliyaan inay ray’ul caamka ku soo dhex tuuraan dayacaayado siyaasiyadeed oo si gaar ah wax looga sheegayo masuuliyiinta xukuumadda  oo maalmo gudahood sida xunbada u gudha.

 

Sidaas darteed, waxa dadka hadalka wasiirka la dhacsanaa ay aaminsan yihiin garnaqiisu uu weji gabax ku yahay siyaasiyiinta mucaaridka ah oo galdaloolooyinkoodu ka badan yihiin gefafka xukuumadda iyo xisbal-xaakimka ay la tartamayaan. Xisbiyada mucaaridku shirarka ay qabsadaan kagama hadlaan barnaamijyadooda siyaasadeed ee ay ku galayaan doorashada madaxtooyada ee muddaysan 13ka November 2017-ka. Taageereyaashooduna ma yaqaanaan barnaamijyada xisbiyada mucaaridka ah oo iska noqday uun sheeko xariiro buug ku daabacan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply