Hargaysa (Dawan): Afhayeenka Ciidammada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi, ayaa sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kastoo isku dayda in ay khalkhaliso nabadgalyada dalka, gaar ahaana marka la gaadhi ololaha doorashada madaxtooyada.
Waxaanu tilmaamay in ciidamada booliska ay ku jiraan heegan aad u culus oo ay ku sugayaan xasiloonida magaalooyinka, isagoona carabka ku adkeeyay in ciidamada boolisku dhex u yihiin axsaabta qaranka.
Gaashaanle Faysal, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa ayaa u soo jeediyay axsaabta qaranka in ay ilaaliyaan nabadfgalyada dalka. “Waxaan u sheegaynaa axsaabta qaranka iyo taageerayaashooda in ay ilaaliyaan nabadgalyada guud ee dalka Somaliland waana in looga danbeeyo oo lagu ixtiraamo sugida nabadgalyada ciidamada booliska.
Ciidammada boolisku waxay ku jiraan heegan aad iyo aad u culus ugu jiraan sidii ay sugilahaayeen nabadgalyada guud ee dalka cid kasta oo isku dayda in ay khalkhal galiso nabadgalyada guud ee dalka haday noqoto hadal iyo haday noqoto qoraal ciidanka boolisku uga dul qaadan maayo.
Gacan birr ah ayaana lagu qabanayaa cid kasta oo isku dayda in ay wax samayso waxaana la hor gayn doonaa sharciga,ciidamada boolisku waxa dhex u yihiin dhamaan axsaabta qaranka 9 kii bishan Octoober waxa ka dhacay huteelka Guuleed ee magaalada Hargaysa labo nin ayaa isku faro saaray kiis koodii ciidamada booliska ayaa gacanta ku haya baadhistoodii ayaana socoto dib ayaanan ka soo sheegi doonaa” ayuu yidhi afhayeenka booliska Somaliland.
Waxa kaloo uu sheegay in waajibaadka ciidamada loo igmaday ay ka mid tahay ilaalinta nafta iyo maalka dadka reer Somaliland. Waxaanu yidhi “Ciidamadda boolisku waxay ilaaliyaan nafta iyo maalka dadka reer Somaliland waana waajibaadka loo igmaday ee qaranku ku ogyahay.
Waxa dadka qaar kood caado u noqotay in marka faldhaco si kale loo sheego oo been abuura waxaana ka dhalankara faldambiyeed ciqaabeed qofkii lagu qabtana waxa la hor gayn doonaa maxkamadaha iyo xeer ilaalinta ku shaqada leh.saxaafaduna maaha in ay qorto wax aanay hubin waana in ilaaliyaan xeerka ay leeyihiin mana aha in ay iska qoraan wax aan aan xaqiiqo ahayn”.
Dawannews Hargeysa office