Madaxweyne Siilaanyo oo Day’arta ugu Digay Dhaqamada Wiiqa Xadaaradaha Bulshada

0
400

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane,  Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo),  ayaa da’yarta Somaliland  gaar ahaan ardayda jaamcadaha ka qalin  jabisay uga digay in ay ku milmaan dhaqamada xun-xun ee aafeeya ilbaxnimadda iyo horumarka bulshada, sida qabyaaladda tahriibka iyo dal-nacaybka.

Waxaanu  madaxweyne Siilaanyo  ku amaanay dhallinyarada reer Somaliland in ay yihiin kuwo ku wanaagsan tacliinta, iyadoo ay jiraan arday Somaliland u dhashay oo guul waaweyn oo dhinaca waxbarashadda ah ka soo hooyay jaamacado dibadaha ku yaalla.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo shalay hadal ka jeediyay  munaasibad loo qabtay qalin jebinta dufcadii 9-aad ee ka aflaxday   Jaamacada Admas  oo tiradoodu dhammayd 374 arday.

 

Madaxweynaha  ayaa ugu horayn waxa uu hambalyo u diray ardayda qalin jebisay iyo macalimiinta jaamacadda Admas qaybteeda Hargaysa, waxaanu  tilmaamay in jaamacadda Admas ay kaalin weyn kaga jirto kobcinta aqoonta dalka;  “Waxaan si weyn u bogaadinayaa maamulka, madaxda iyo macalimiinta Jaamacadda Admas, dedaalka iyo horumarka ay ku tallaabsadeen muddadii ay Jaamacaddu jirtay. Jaamacadda Admas waxay kaalin muq leh ka qaadatay, tayeynta iyo casriyeynta waxbarashada dalka, isla markaana waxay ku guulaysatay horumar weyn, muddadii ay jirtay,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

 

Waxa kaloo uu intaas ku daray;  “Waxa xusid mudan, in Ardayda Jamhuuriyadda Somaliland, meel kastoo ay joogaan in  ay waxbarashada ku wanaagsan yihiin, iyadoo ay jiraan arday reer Somaliland ah oo guulo waa weyn ka soo hooyay  Jaamacaddo ku kala yaalla dalalka dibadda.  Sidaa darteed,  waxaan idinkula dar-daarmayaa  in ay-daan ka daalin waxbarashada, oo aad sii wadaan hal-ganka iyo dedaalka aqoon raadinta, si aad u gaadhaan heer aad u sarreeya.”

 

Madaxweynaha Somaliland wuxuu ugu dambayn   uu erayo guubaabo ah u diray guud ahaanba da’yarta Somaliland, waxaannu yidhi;  “Guntii iyo geba-gebadii, waxaan idinku guubaabinayaa, in aad ka fogaataan dhaqamada xun ee aafeeya il-baxnimada iyo horumarka bulshoooyinka caafimaadka qaba, sida kala-qaybsanaanta, qabyaaladda, tahriibta, dal nacaybka iyo balwadaha.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply