Dawladda Itoobiya oo ka Hadashay Arrimo Xasaasi ah oo ay ka Wadahadleen Guddoomiyaha KULMIYE

0
386

Addis ababa (Dawan)- Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Md. Hailemariam Desalegn, ayaa shalay  xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE  Md. Muuse Biixi Cabdi oo socdaal shaqo ku jooga waddanka Itoobiya.

 

Wakaallada wararka ee Itoobiya ee ENA, ayaa warbixin ka qortay kulanka Ra’iisul-wasaare  Hailemariam Desalegn  la yeeshay Weftigii Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi,   warbintaas waxa soo turjumay oo warkan ka qoray   Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Dawan, Cumar Maxamed Faarax.
“Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn iyo wefti ka socday Somaliland  ayaa  falanqeeyay  sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada dhinac. Itoobiya iyo Somaliland ayaa iska kaashada dhinacyada Ganacsiga, Kaabeyaasha  dhaqaalaha iyo arrimaha nabadgelyada.

 

Kulankii shalay  dhexmaray Ra’iisul-wasaare Hailemariam iyo  weftiga Somaliland ee uu hoggaaminayay Guddoomiyaha xisbal xaakimka KULMIYE ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa lagu lafo-guray  sidii si horleh kor loogu qaadi lahaa cilaaqaadka labada dhinac.

 

Waxa shirkan lagu gorfeeyay  doorashada Somaliland ka qabsoomaysa  iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya ee  ku wajahan Ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, nabadgelyada iyo qodobbo la xidhiidha dekedda. Sida uu wakaallada ENA u sheegay  madaxa warbaahinta ee xafiiska  Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Zadg Abreha,  waxay labada dhinac ka wada hadleen sidii loola diriri lahaa argagixisada ay ka mid tahay Al-shabaab iyo  in  iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya  kor loogu sii qaado.

 

Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa u caddeeyay  ENA  in weftigoodu ay wadahadallo  wanaagsan la yeesheen Ra’iisul-wasaare Hailemariam oo isla soo qaadeen  taabogelinta xidhiidhkii jiray ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Somaliland.

 

Maxamed Kaahin waxa uu intaas ku daray in Somaliland ay doonayso in iskaashigii ay la lahayd Itoobiya  ee dhaqaalaha iyo siyaadadda  la sii ballaadhiyo, waxaanay sii adkayn doontaa  cilaaqaadka labada dhinac gaar ahaan  ganacsiga iyo nabadgelyada.”

 

Geesta kalena,  madaxa warbaahinta ee xisbal-xaakimka KULMIYE, Mr. Cali Jaamac Maxamed, ayaa warsaxaafadeed uu ka soo saarya  kulankaas wuxuu ku sheegay

“Qodobada ugu mudan ee Guddoomiye Muuse Biixi iyo Ra’iisal-wasaare Hailemariam kaga wadahadleen kulankaasi waxa ka mid ah;

Kor u sii qaadida iyo xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.

In labada dal yeeshaan iskaashi dhaqaale oo ka sii wayn ka hadda u dhexeeya.

Isticmaalka dekedaha oo la isla gartay in dalka Itoobiya si wayn u isticmaalo dekedda Berbera oo hadda lagu wado maalgalin lagu horumarinayo oo baaxad leh.

Masuuliyiinta labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo iskaashiga bulshooyinka ku dhaqan Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan in laga wadashaqeeyo ka midho-dhalinta suuqa xorta ah ee istugga waddamada Geeska Afrika iyo sidii Somaliland uga mid noqon lahayn.

Waxa kaloo ay ka wadahadleen sidii labada dal uga sii wadashaqayn lahaayeen adkaynta nabadda iyo xogta ammaanka ee mandaqada. Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa kulanka uu la qaatay Ra’iisal-wasaaradaha Itoobiya ku wehelinayey masuuliyiinta kala ah; Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, Siyaasiga Axmed Muumin Seed iyo Safiirka Somaliland ee Itoobiya Md. Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe). Guud ahaan kulankaasi waxa uu ku soo gabogaboobay jawi farxad iyo is afgarad ah.”

Weftiga Guddoomiyuhu shalay galab ayay ku soo laabteen caasimada Hargeysa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply