Hargaysa(Dawan)- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharma’ake Axmed Muxumed Geelle,ayaa kala wareegay Baanka Adduunka gaadiidkii ugu tirada badnaa ee Somaliland loogu deeqo,baabuurtaas oo loogu talogalay in lagaga hawl galo tayaynta iyo kobcinta shaqaalaha dawladda iyo sugidda tirakoobkooda guud oo ay wado Hay’adda Shaqaalaha Dawladda isla markaana ay iska kaashanayaan Baanka Adduunka, waxaanu ka guddoomay shahaado sharaf ay ku maamuuseen kartidiisa.
Munaasibad si wayn loosoo agaasimay oo shalay lagu qabtay Xarunta Hay’adda shaqaalaha Dawladda oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Sharma’arke Axmed Muxumed,Wasiirrada Qorshaynta QarankaShaqada iyo arrimaha bulshada
Maxamed Cabdilaahi Obsiiye, Wasiiru dawlaha Wasaarada Gaashaandhiga Cabdiraxmaan,masuuliyiin ka socday komishanka Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuq maasuqa, iyo masuuliyiin kale oo ka socday wasaaradaha iyo laamaha dawladda.iyo madaxa mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dawladda ee Baanka Adduunka Mr Alex.
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo munaasibadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in gaadiidka baanka Adduunku ugu deeqay Hay’adda Shaqaalaha dawladdu uu yahay kii ugu badnaa ee Somaliland loogu deeqo isla markaana uu wax wayn ka tari doono kor u qaadista mashruuca hanaynta shaqaalaha dawladda oo ay Hay’adda shaqaaluhu dalka oo dhan ka waddo.
Waxaa kale oo uu intaa ku daray in shaqaalaha oo wanaagsanaada oo noqda xirfadleyaal aqoontooda iyo kartidooda wax ku noqda shaqadana qofka aqoontiisu u goysaa in ay tahay jidka ugu wanaagsan ee dalka iyo dadkuba ku horumari karo.
Waxaanu intaa ku daray in mashruuca habaynta shaqaalaha dawladdu in uu yahay mashruuc dhallinyarada Somaliland hammigooda dal jacayl kor u qaadaya oo meesha ka saaraya in qofku reernimo iyo qabiil in uu shaqo ku raadiyo isla markaana u furaysa albaab ah in qofku aqoontiisa iyo xrfaddiisa ku raadiyo shaqo isla markaana Imtixaan sharci ah oo caddaalad ah oo sinnaan ah in shaqaalaha lagu qaadan doono.Waxaanu yidhi. “Waxaynu saaka(shalay) isugu nimi laba arrin oo waawayn qodobka koobaad oo ah shirkii ay mudadiiba mar isugu iman jireen golaha sare ee mashruuca dib habaynta shaqaalaha dawladda oo aanu ku xogsiinaynay halkaanu wax ka soo bilawnay,halkay imika wax noo marayaan iyo halka aanu higsanayno qorshaha dhaw, iyo ta labaad oo ah in aynu la wareegno gaadiidkii ugu badnaa ee lagu wareejiyo hay’adda shaqaalaha ama hay’ad ka mid ah laamaha dawladda Somaliland,gaadiidkaas oo innaga kaalmayn doona madaxtaabashada shaqaalaha dawladda oo goob iyo guri iyo tuulo iyo deegaanksata loogu tegi karo dhamaan shaqaalaha dawladda si loo helo xog sugan oo rasmi ah.”
Guddoomiye Sharma’arke oo ka hadlayay faa’iidada shaqaalaha dawladda ugu jirta tirokoobka guud,ayaa yidhi. “Helitaanka xogsugan oo shaqaaleheenna ahi waxay innaga caawinaysaa in aynu baahiyaha kala duwan ee shaqaaleheenna oo dhan aynu u qabano maalinba heer iyo xaalad aynu ka maraynoba,shaqaalaha oo aynu dhisano oo aynu wanaajinaa waxay saamayn weyn ku yeelanaysaa in ay adeeg wanaagsan bulsahda siiyaan,haddii bulshadu adeeg wanaagsan heshona waxay ka maarmi doontaa qabyaaladda isgarashada xafiiskaa yaa jooga oon ugu tagaa iyo marar badan ta dhacda oo ah in qofku kaba sii warwaro hadaad wasaaraddaa tagto yaa kugu qaabilaya.markaynu kor u qaadno tayada shaqaaleheena waxaa dhici doonta in qofka loo adeegayaa isagoo ku niyad san in uu yahay muwaadin rer Somaliland ah in dhammaan laamaha dawladda looga wada adeego isagoo aan u baahan waji garasho iyo qabiil midnaba. Silsiladdaa dheer ayaa waxay ka bilaabmaysaa xogta xaaladda shaqaaleheenna,markaynu tayada shaqaalaha kor u qaadno ee baahiyadooda aynu wax ka wqabano ayaynu shaqaalahana kula xisaabtami doonnaa in ay dadka adeeg wanaagsan u qabtaan.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland.
Dhinaca kale Madaxa mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dawladda ee Baanka Adduunka Mr Alex. Oo sina goobta ka hadlay ayaa tilmaamay muddadii koobnayd ee ay wada shaqaynayeen Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda in uu ku arkay karti iyo aqoon hufan oo uu mashruucan ku maamulay waxaanu guddoonsiiyay abaal marin ay ugu magac dareen “Mashruucii sannadka ugu wanaagsanaa iyo guddoomiyihii jidka u xaadhay is bedel toggan oo shaqaalaha ku dhici donna”
Waxaanu kala wareegay Baanka Adduunka 8 gaadhi oo cusub oo ah Xaajiyado loogu talo galay in lagaga hawl galo mashruuca tayaynta shaqaalaha dawladda.
Waxaa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay Wasiiradda Shaqada iyo arrimaha bulshada, Qorshaynta Qaranka,wasiirudawlaha Gaashaandhigga oo dhammaantood uga mahad naqay baanka adduunku siduu u garab taagan yahay Somaliland isla markaana midha dhalka mashruucan ku tilmaamay in ay sabab u noqotay karti badni iyo dedaal weyn oo uu la yimi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharma’arke
Dawannews Hargeysa office