Badhasaabka Saaxil oo ka Hadlay Qoxoonti ka Yimid Yemen oo Laga Celiyay Berbera

0
389

Berbera (Dawan)- Shan qof oo qoxoonti u dhashay dalka Yemen ayaa Khamiistii doraad dib loogu celiyay markabkii ay saarnaayeen oo ku soo xidhay dekedda Berbera, kuwaasoo weli ku xaniban markabka dushiisa.Kuwaas iskugu jiray dhallinyaro iyo caruur ay diiftii qoxoontinimadu ka muuqatay.

Sababta loo celiyay shantan qof ayaa badhsaabka gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed,  ku sheegay  sababta iyadoo aan dadkaasi qoxoontiga ah caafimaadkoodda la soo baadhin ay ka soo carareen  dalka Yemen.

Badhasaabku  wuxuu  tilmaamay in hay’adda qarammada midoobay u qaabilsan socdaalka ee IOM ay lahayd masuuliyada  in marka horeba dadkan qoxoontiga ah lagu soo baadho caafimaadkooda intii aan laga soo qaadin Yemen.

“Qoxoontigu haddii aanay hay’adda IOM caafimaadkooda soo baadhin waddanka kama soo degaan. Waxaana dhakhaatiir u qabata  qoxoontiga soo degaya hay’adda IOM. Waxaana marka hore laga soo bilaabaa baadhitaanka ilaa marka Yemen-ta laga soo qaadayo,” ayuu yidhi Jaamac Yuusuf Axmed oo xalay telefoonka ugu waramay Wargeyska Dawan.

 

Waxa kaloo uu intaas ku daray “Shalay (doraad) ayaa la celiyay, sababta lagu celinayayna 24 saacadood ka dib ayaa warkoodda la soo gudbinayaa, maantana (shalay) Jimce ayay ahayd, waana in ay IOM warbixintooda keenaan berito (maanta), markaas ayaa la ogolaan karaa in ay  waddanka soo galaan.”

Hay’adda Bisha cas ee Somaliland, ayaa dadka qoxoontiga ah ka taageerta inay  samayso adeeg  telefoonno bilaash ah si ay ula xidhiidhaan eheladooda ay colaaduhu kala kaxeeyeen ama kuwa qurbaha jooga. Waxa kaloo bisha cas u samaysaa gargaar degdeg ah kuwa xanuunsanaya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply