London Oo Laga Sameeyay Wadooyin Digniino Bixinaya

0
403

Magaaladda London ee caasimadda Ingiriiska ayaa markii ugu horaysay laga sameeyay wadooyin ku cusub isticmaal ahaan caalamka, kuwaasoo awood u leh inay qofka tilmaamaan haddii uu soconayo iyo haddii uu gaadhi wato labadaba.

Wadooyinkan ayaa haddii uu gaadhigu si khaldan u maro bixinaya digniin iyo dhawaaq muujinaya inuu khalad ku socdo.  Sidoo  kale waxay wadooyinkani leeyihiin qaybo dadka iyo Baaskiiladaha loogu talo galay.

Qaybahan loogu talo galay Baaskiiladaha iyo dadka ayaa iyaguna sidaasi si la mid ah digniino bixinaya marka uu qofku joogsanayo iyo marka uu soconaayo.

Waxa  kaloo uu digniin gaar ah siinayaa Baaskiiladda iyaguna sida khaldan u marta.

Wadooyinkan ayaa ah markii ugu horaysay ee la isticmaalo adduunka, iyadoo ujeedada laga leeyahay ay tahay in lagu yareeyo shilalka gawaadhida oo magaaladda qaybo ka mid ah ku battay sannadkan.

Wadadan ayaa la dhigay masaafo dhan ilaa 22 meter, iyadoo lagu tijaabinayo qaybo magaaladda London ka mid ah.  waxaana  loo sameeyey xariiqo  kala duwan oo ay dadka iyo Baaskiiladuhu marayaan, kuwaasoo laydhadh  bixinaaya.

Ishaarooyinka ayaa wadadan ku dhex yaala, iyadoo laymanka loo sameeyay ee xariiqaha ahi ay yihiin kuwo bixinaya tilmaamihii ishaarooyinka.

Waxaanay  shidayaan laydhadhkii Ishaaraddu shidi jirtay, taasoo tusaysa qofka inuu socon karo iyo inuu istaagi karo labadaba.

Wargeyska Daily mail oo qormo xiiso badan ka qoray wadooyinkan uuna ka soo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in wadooyinka uu maalgeliyey shirkad kuwa Caymiska ah oo lagu magcaabo Direct Line.

Iyadoo  lagu tijaabinayo goobta lagu magcaabo  Mitcham oo ku taala Koonfurta magaaladda London.

Wadooyinkan ayaa sidoo kale lagu sameeyay goobo loogu talo galay in caruurtu ka gudubto, gaar ahaana goobaha u dhow Dugsiyadda.

 

Leave a Reply