Kooxda Daacish oo laga Qabsaday Xaruntoodii Weyneyd

0
369

Isbahaysi Kurdiyiinta Suuriya ah oo Maraykanku taageero iyo dagaallamayaal Carab ah ayaa sheegay inay si buuxda gacanta ugu dhigeen halkii xarunta u ahaan jirtay kooxda dawladda Islaamiga ee magaalada Raqqa.

Afhayeen u hadlay xoogagga SDF, Talal Sello, wuxuu sheegay in xoogagooda ay guushan ku qaadatay shan bilood oo duullaan ah.

Hawlgal nadiifin ah ayaa iminka socda sida uu Talal sheegay, si dibadda loogu soo saaro miinooyin aan weli qarxin, iyo jihaadiyiinta magaalada ku dhuumaalaysanaya.

Dhawaan ayaa la filayaa in la soo saaro hadal rasmi ah oo ku saabsan guusha laga gaadhay magaaladan, iyo soo afjaridda seddex sano oo kooxda IS ay xukumaysay.

Galinkii hore ee salaasada ayey kooxda SDF nadiifiyeen labadii meelood ee ugu dambeeyey ee IS ay ku lahaayeen fadhiisimada magaalada gudaheeda, kuwaasoo kala ahaa garoonka kubbadda, iyo isbitaalka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku soo warrantay in dagaallamayaashu ay calankooda ka taageen garoonka cayaaraha, ayna waddooyinka ku dabaal degayeen ayagoo gaadiidkooda wata.

Dhowr iyo labaatan dagaallame ayaa la aaminsan yahay inay iska caabbintii ugu dambaysay ka sameeyeen garoonka kubbadda, halka 22-na la sheegay in lagu dilay dagaalkii ka dhacay isbitaalka.

Ilaa 300 oo mintidiin ah ayaa la sheegay in Axaddi ay ku jireen gudaha magaalada, ka dib markii jihaad doonayaasha Suuriya iyo qoysaskooda halkaa laga daadgureeyey si waafaqsan heshiis ay wada xaajood ka galeen odayaasha qabaa’ilka.

Kooxda IS waxay qabsatay Raqqa horraantii 2014, dhowr bilood ka dib markii ay noqotay xarun goboleedkii ugu horreysay ee Suuriya ka tirsan ee u gacan gasha fallaagada, noqotayna xarunta ay ku tilmaameen “khilaafada”.

IS

Leave a Reply