Madaxweynaha Somaliland oo si Adag u Cambaareeyay Qaraxii Lagu Hoobtay ee ka Dhacay Muqdisho

0
409

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa canbaareeyay  qaraxii  lagu  hoobtay  ee Sabtidii toddobaadkan ka dhacay  magaaladda Muqdisho ee dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya oo ay ku dhinteen dad ka badan 300 boqol, halka ay boqolaal kalena ay dhaawacmeen.

 

Madaxweyne  Axmed Siilaanyo,  wuxuu tacsi u diray eheladda iyo qaraabadda ay ka baxeen dadkii ku dhintay qaraxaasi, isagoo dadkii ku geeriyoodayna ALLE uga baryay in uu u naxariistiisa jano ka waraabiyo;  “Waxaan cambaareynayaa  falka argagixisada foosha xun, ee ka dhacay caasimadda dalka aynu deriska nahay ee Soomaaliya. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa  Qoysaskii iyo Qaraabadii ay ka baxeen dadkii rayidka ahaa  ee halkaa ku geeriyooday,”ayuu yidhi  Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka jeediyay habeen hore kulan uu casho sharaf ugu sameeyay murrashaxiinta saddexda xisbi qaran, komishanka doorashooyinka,Guddoomiyaha maxkamadda sare iyo shirgudoonka labad aqal ee Baarlaanka, kulankaas oo uu dardaaran la xidhiidha doorashada madaxtooyada ugu gudbiyay.

 

Axmed Siilaanyo, oo ka hadlayay  arrimaha doorashada madaxtooyada ee soo socota iyo dar-daaranka uu u jeedinayo daneeyeyaasha doorashada, waxaanu yidhi;  “Sidaynu la wada soconno, muddo bil ka yar ayaa innaga xigta, qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Sharaf weyn  bay ii tahay, in aynu xallinay duruufihii ku xeernaa geedi-socodka dimuqraadiyadda, iyo doorashooyinka dalkeenna.  Mar labaad waxaan jecelahay, in aan madashan ka bogaadiyo hawl-wadeennadii, aan u igmaday xilalka kala duwan  ee gacanta iga siiyey hoggaamiye ahaan, dhammaystirka in ay dalkan ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, taas oo ay daruurteedu ina dul joogto. Si gaar ah, waxaan u hambalyeynayaa Guddida Doorashooyinka, iyo Madaxda Xisbiyada Qaranka,  dedaalkii ay muujiyeen, iyo doorkii ay ka qaateen hawlaha doorashooyinka.

Doorashada aynu dhawaan u dareerayno idam Eebbe, waxay mustaqbalkeena ku leedahay saamayn weyn. Anigu Madaxweyne ahaan, markaan eego Baraaruga Bulshada, iyo Bisaylka Murrashaxiinta baratamaysa, wax werwer ah ma qabo. Hase-yeeshee, waxaan jecelahay in aan dhammaan, halkan idiinka soo jeediyo, hadallo duco iyo dardaaran ah, taas oo ah, ujeeddada aan idiin marti-qaaday caawa (habeen hore).”

Waxa kaloo uu sheegay madaxweynuhu in aanay Somaliland ku cusbayn doorashooyinku, isla markaana ay bulshadu u leedahay khibrad ku filan arrimaha doorashooyinka. Hase yeeshee loo baahan yahay in la xakameeyo xamaasadda iyo xagtimaha ka dhasha doorashooyinka.

Waxaanu yidhi “Doorashooyinku, ma aha wax inagu cusub, ee waxaynu u leenahay khibrad iyo waayo-aragnimo inagu filan. Sidaa darteed, waxa ummad ahaan, inala gudboon, in aynu xakamayno xamaasadda iyo xagtimaha loolanka dhexdeenu keeni karo.  Waxaan leeyahay, doorashooyinka laguma kala baxo, ama laguma kala badiyo, xanaaq, xiisad la kiciyo, iyo hadallo xajiin iyo xanaf leh. Balse, Duco-qabayaal, Doorashada waxa lagu kala helaa taageerada bulshada, iyo sida loo kala kasbado caqliga cod-bixiyaasha. Haddaba, waxaan lixda musharax ee u tartamaya hoggaanka dalka, u jeedinayaa dardaarankan kooban.

 

1)  Mudanayaal,Waa in aad dhawrtaan, Shuruucda iyo Xeerarka Nidaamka Doorashooyinka dalka. Sidoo kale, waxa waajib idinku ah, in aad u dhaga-nuglaataan, talooyinka, tilmaamaha iyo amarrada Guddida Doorashooyinka Qaranka, ee garsoorka idiin ah. Duco-qabayaal, waxaan idin leeyahay “LAFAHA GURA, XARAGANA HAKA TAGINA”.

2) Sidoo kale, waxa idinla gudboon, in aad taageerayaashiina ku wacyi-gelisaan, in ay ilaaliyaan anshaxa iyo nidaamka doorashada, isla markaana ay ka fogaadaan cunfiga, iyo wax kasta oo nabadgelyo darro abuuri kara.

3) Waa in aynu dhinac uga soo wada jeesanno, cid kasta oo abuuraysa xasilooni darro iyo xiisad colaadeed. Waxa waajib ku ah muwaadiniinta Somaliland iyo musharixiinta hortayda fadhiya, in ay gacan siiyaan ciidammada qaranka ee ku hawlan, adkaynta nabadgelyada iyo sugidda amniga qaranka.     4)  Hore ayaa loo yidhi “GUULI LABA NIN KAMA WADA QOSLISO”. Sidaa darteed, Kursigan aan ku fadhiyo, ma qaado laba iyo saddex nin toona, ee dalkan waxa Madaxweyne ka noqonaya Nin qudha. Sidoo kale, waxa ku-xigeen ka noqonaya hal Nin.

Waxaan hoggaanka dalka ku wareejin doonnaa, labada musharax ee doorashada sifo sharci ah ugu guulaysta, insha Allah. Sidaa darteed, saaxiibada loolamaya, waxaan leeyahay, marka ay soo baxdo natiijada doorashadu, waa in aad aqbashaan oo ogolaataan natiijada doorashada. Qarankani, wuxuu ku soo meel-maray, hab-dhaqan ku dhisan tudhaale, talo-wadaag, tawfiiq iyo isu-tanaasul.”

 

Waxa kaloo madaxweynuhu intaas ku daray;  “Ma aha, guuldarada siyaasaddu  in doorashada lagaaga adkaado, balse waxa guul darro iyo garaad xumo ah, in aad ku gacan-saydho go’aanka Guddida Doorashooyinka iyo Maxkamadda Sare. Waad xasuusan tihiin, in aan kaga tegay Kursi Madaxweynenimo  bishii April, 2003-gii Siddeetan Cod, oo muran ku jiray. Waxaan u tudhay shacbigayga iyo sharaftayda, kuma khasaarin, ee taasi waxay ii goysay, in aan isla Kursigii ku helo boqolkiiba konton codadkii codbixiyaasha dalka. Waxaan bogaadinayaa Mudane, Daahir Riyaale Kaahin, Madaxweynihii Hore, ee aqbalay natiijadii doorashadii Madaxtooyada ee qabsoontay 2010-kii, ee hogaanka dalka la iigu doortay, isla markaana xilkii qaranka iigu wareejiyey si sharaf iyo qadarin leh.

Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane, Faysal Cali Wareebe, oo isna aqbalay natiijadii doorashada. Guddoomiye Faysal, waa waayo-arag, waxaanan ku amaanaya inuu aqbalay go’aamadii Guddida Doorashooyinka Qaranka ee natiijadii 2003-gii, 2005-kii iyo 2010-kii. Mudanayaal, Guddida Doorashooyinka Qaranka, waxaan kula dardaarmayaa; Dedaal, Dulqaad iyo daacadnimo. Waxaan uga digayaa  gar-weecsan iyo guddoon jilicsan oo ah geerida Guddi dhexdhexaad ah iyo Hay’adaha garsoorka.Waxaan idiinku ducaynayaa, in ilaahay idin garab galo, xilkana idinku asturo.”

 

 

“Ugu dambayn, dhammaan ciidammada qaranka, waxaan ku bogaadinayaa, habeen iyo maalin heeganka ay ugu jiraan, difaaca iyo adkaynta Nabadgelyada dalkooda hooyo.Taliyayaasha Ciidammada Qaranka, waxaan kula dardaarmayaa, in ay dedaalkooda laban laabaan xilligan, iyo in ay si buuxda ula shaqeeyaan Guddida Doorashooyinka Qaranka. Dhinaca kale, waxaan farayaa in ay gacan bir ah ku qabtaan, cid kasta oo isku dayda, in ay fawdo iyo fad-qalallo ka abuurto dalka. Ciidammada Qaranka, waxa ka reebban, in ay ku dhex milmaan ololaha doorashada, iyo Xisbiyada intaba.Waxaan shacbiga Somaliland leeyahay, musharixiintu xaq idiin kuma laha, in ay idin dhex-dhigaan colaad iyo ciil-qab. Balse waxay xaq idiinku leeyihiin oo keliya, in ay idin weydiistaan caawimo iyo cod. Sidaa darteed, waxaan idiinku baaqayaa, in aad xil weyn iska saartaan, ilaalinta midnimada, wada-jirka, nabadgelyada iyo qaranimada dalka,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply