Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe,ayaa ka hadlay waxa u qorshaysan iyo shaqada uu qaban doono haddii uu doorkan guul-darraysto doorashada Madaxtooyada ee qabsoomi doonta 13 Nofember ee sannadkan.
Waxaanu Xukuumadda ku bogaadiyay in ay bixisay kharashkii doorashada Madaxtooyada lagu gelayay oo ay soo dhammaystirtay.Waxa kaloo uu dhaliilo u soo jeediyay dhiggiisa labada Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo uu sheegay in aanay xakamayn karayn taageerayaashooda.
Murrashaxa jagada Madaxweynaha UCID oo ugu horrayn ka hadlaya shaqada uu qaban doono iyo halka uu siyaasadda uga diga-rogan doono haddii uu guuldarraysto doorkan..“Waanu ballanay oo ama wax ha boobaan amase yaanay boobine anigu waan iska ogolaan doonaa waanan ka tegayaa waddanka markaa waxaan noqonayaa hawl-gab oo qolooyinkan khuruushka ee tabliiqiyiinta ayaan raacayaa haddaan waayo doorkan,”ayuu yidhi Eng. Faysal oo ka hadlay kulan casho sharaf ah oo madaxweynuhu u sameeyay daneeyeyaasha doorashada madaxtooyada.
Mar uu ka hadlayay murrashaxiinta la tartamaysa, waxa uu yidhi “Nimanka komishanka aad iyo aad ayaan u hambalyeynayaa Wasiirka Maaliyadda Samsam-na suuf iyo xanjo ayay isku dhejisay oo lacagtii wey soo heshay, arrintuna waa mid shacabka u taalla waxaanay ku xidhan tahay sida kooxda tartameysaa aynu u tartanno, maayarradana waxaan leeyahay sameecadaha si isku mid ah noogu hagaajiya iyo kheyriyooyinka hanaga jarjarina ee ta u horreysaana hadday iga xumaato waan joojinayaa oo orda codeeya ayaan odhanayaa Cabdiraxaam iyo Muuse waxaan leeyahay haddii aydaan joojin tartankan xun oo raga idinla shaqeynayaa oo aydaan xakameyn ogaada Somaliland ayaad ku ciyaareysaan annaga iyo Siilaanyo waad ogeydeen wixii dhibaato na soo marey markaa idinka oo leyliya haddaad tidhaahdaan markaaba waanu helaynaa mar kaliya waxba lama helee annaguba laba jeer ayaanu soo dhacnee idinkuna soo dhaca.”
“Madaxweyne doorashadan soo socota jawi wanaagsani ma jiro, anigu dadka ma xanto ee runta ayaan sheegayaa, doorashadan aynu galeynaana waa tii lixaad, maalintii 2003-dii madaxweynaha ee laga helay 85-ka caddaadis badan ayaa la saaray inaanu aqbalin 13-qof mooyane intii kale way diideen waxaanu yidhi waar anigu kursi dal siisan maayo, waa tii uu dhaqaajiyay maalintii 2010-kiina Daahir Riyaale cadaadis ayaa la saaray inaanu ogolaan,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal.
“Muuse iyo Cabdiraxmaan hadday waayaan reerahooda ma xakameyn karaan miinooyinkii ay kacdoonka ku sameynayeenna waa ay daadiyeen, ma in aynu ALLE barino mise maanta talo inoo taalla Ilaahay aynu barino subxaana watacaala, haseahaatee jawi nabadeed meeshan ma yaalo mana jiro, aniga reerkeygii waaba la iibsaday oo dadka qaar baa leh haddii aynu weyno fadhiba inooma yaallo, dheeg waa golaha guurtida haddana xisbiyadda siyaasada dhexdooda ayuu ka caytama ee maxaad u eryi weyday,”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe
Dawannews Hargeysa office