Guddoomiyaha Guurtidda oo u Jawaabay Dawladda Muqdisho

0
377

Hargeysa (Dawan) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda  Somaliland,  Saleebaan Maxamuud Aadan,  ayaa ka  jawaab hadal ka soo yeedhay mid ka mida masuuliyiinta xukumadda Soomaaliya oo sheegay in Somaliland lug ku lahayd qarixii ka dhacay Muqdisho 14-kii bishan,

Mudane Saleebaan oo shalay warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa, ayaa sheegay in Somaliland ay aad uga xun tahay dhibtii ka dhacday magaalada Muqdisho, isla markaana aanay arrintaas shaqo ku lahayn, sidoo kalena aanay jirin cadaawad heerkaas gaadhsiisan oo ka dhexaysa shacabka reer Somaliland iyo kuwa Soomaaliya.

“Sidaa nacab uma nihin, Soomaaliya waxaanu isku haynaa oo aanu leenahay, waar ictiraafkayaga aanu adduunka ka raadsanayno noo daaya,” ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud.

Waxa kaloo uu ka hadlay doorashada madaxtooyada Somaliland ee fooda innagu soo haysa, waxaannu yidhi; “Doorashadii waa la galayaa, Alle ha inooga dhigo mid nabad iyo wanaag inoogu dhacda, ciddii heshaaba way inagu filan tahay. Murrashaxa jecel in ay wax inaga xumaadaan ma jiro, se haddii ay wax ka yara duul-duulaan waa in aynu toosinaa. Doorashadii way qaabsoomaysaa, soo dhawaatay, murrashixiinta tartamaysaana waxay ina siiyeen balan qaadyo ah in ay natiijada aqbalayaan oo ay xanafta iyo xajiintana ka dayn doonaan.”

Guddoomiyuhu waxa uu shacabka, xukumadda iyo xisbiyada qarankaba ugu baaqay in la isku kaashado sidii ay doorashadaa madaxtooyada ee soo socotaa inoogu qabsoomi lahayd qaad nabadgalyo ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply