Habeenkii Oo La Seexdo Saacaddo Ka Badan Ama Ka Yar Intii Loogu Talo Galay Waxay Yaraysaa Dhalmada

0
455

Daraasad cusub oo ay soo saareen culimo dhanka caafimaadka ah ayaa lagu ogaadey in hurdada badan ee la seexdo habeenkii saacaddo ka badan intii loogu talo galay ama in ka yar ay keento xaalado caafimaad daro oo dhanka dhalmada ah.

Khubaraddan ayaa sheegay in ay yaraadaan ugxanta dhalmada ee Ragga iyo Dumarkuba, iyaga oo intaasi raaciyey in ay aad u daciifto DNA-da qofka oo ah hinde sidaha qofka ama jinsigaasi, sidoo kalena waxa uu sheegay in ay hoos u dhacaan Ugxantaasi 30% haddii uu qofku seexdo saacaddo ka yar  ama ka badan 6 saacaddood iyo badh.

Qofka oo sidoo kale seexda 7 Saacadood iyo badh ayay caadi tahay, siday khubaraddaasi sheegeen, laakiin waxa khatar ku ah qofka Ugxantiisa dhalmada inuu seexdo saacaddo intaasi ka badan.

Cilmibaadheyaashan caafimaad ayaa sheegay in ay wax noqdaan qanjidhada soo daaya Ugxantaasi, halka ay mararka qaarkoodna meeshaba ka baxaan shaqo ahaa, lana arko iyaga oo iskaga yaala jidhka, taasina ay noqoto ta keentay inuu qofkaasi waayo Ugxantaasi dhalmada.

Khubaraddan oo wargeyska Washington Post  oo uu wargeyska Dawan qormadan kasoo xigtay u waramaayey ayaa soo bandhigay daraasad ay sameeyeen khubarro ka socotay jaamacadda  Military Medical University oo ku taala Chongqng oo ah dalkaasi Chine, waxaanay daraasaddaasi wadatay ilaa 2020 tijaabo oo ay sameeyeen kooxdaasi, kuwaas oo laga sameeyey ilaa 796 nin  intii u dhaxaysay sannadihii 2013 ilaa 2015-kii, kuwaas oo lagu buuxiyey su’aalo.

Natiijadda daraasaddan ayaa lagu soo gebo gebeeyey in  hurdada la seexo habeenkii in ka badan toddoba iyo badh saacaddood iyo in ka yari ay keento dhalmo la’aan iyo ugxanta oo khal khasha , sidoo kalena ay indhaha ku keento hurdo xumo.

 

 

Leave a Reply