John Malkovich iyo Robert Rodriguez ayaa sameeyay filim cusub sanadkii 2015. Filimkan ayaa markii la dhameeyay metelaadiisa lagu xidhay sanduuuq ah kuwa wakhtiga uu is furayo lagu buuxiyo, waxaana la sheegay in sanduuqaasi u furmi doono si iskiis ah, 18 bisha November sanadka 2115 oo ah boqol sano ka dib.
Filimkaasi aya la isla gartay in la daawado qarni ka dib. Waxaana aan la daawan karin wakhtigan. Filimku waxaaa uu ka hadlayaa wakhtiga soo socda iyo isbedelka dunida iyo sida ay u eekaan doonto 2115, kuwaasi oo ay sheegeen inaan qaarkood dadka jooga aanay rumaysan Karin, sida boqol sano ka hor haddii laga metelo Filim xadaaradda maata ay dadkii wakhtigaasi been iyo khayaali ku sheegi lahaayeen.
John Malkovich oo ah ninka koowaad ee filimka soo saaray oo saxaafadda la hadlay ayaa yidhi :” Waxaan u maleynaya inay ahayd fikir cajiib ah . Waana mid ka mid ah dhacda filimkeedkii aan ku jiray ee cajiibka ahaa.
John waxa kale oo uu yidhi “ Ha yaabine filimkaasi wuxu la mid yahay sida qoraaladii la sameeyay 1919. 1920 ee ka hadlayay xadaaradda maanta dunidani gaadhay.