Samaale oo Sheegay in Xisbiyada Qaar ay ka Baqayaan Natiijada Doorashada

0
387

Hargaysa (Dawan)- Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah siyaasiyiinta  Kulmiye ayaa ugu baaqay axsaabta qaranka inay si hufan ugu tartamaan doorashada madaxtooyada Somaliland ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto 13-ka bisha November ee sannadkan.

Cabdicasiis Samaale waxa uu sheegay  in loolan xalaal ahi ka dhexeeyo saddexda xisbi qaran, waxaanu  hoosta ka xariiqay in xisbiga natiijada doorashada madaxtooyada shardi ku xidhayaa aanu ku kalsoonayn codka shacabka reer Somaliland ee uu taageerada ka doonayo.

Cabdicasiis waxa uu hadalkan ka sheegay munaasibad lagu qabtay magaalada Hargaysa oo taageero loogu muujinayay xisbiga Kulmiye, waxaanu yidhi “Xisbiga Kulmiye hore ayuu u guulaystay, imikana wuu guulaysanayaa, guushuna Illaahay ayay ku xidhan tahay, waxa lagu kala baxayaa waa codka dadka, maaha waxa lagu kala badinayaa cayda iyo aflagaadada. Saddexda  xisbina waa axsaab  qaran, waxaanan leeyahay waxaa innaga dhexeeya tartan xalaal ah iyo loolan nadiif ah.

xisbiga baqaya marka la yidhaahdo maxaad ka yeelaysaa natiijada ka soo baxda doorashada madaxtooyadda?, ma aqbalaysaa haa ma odhanayo ee waxa uu leeyahay hadday xor noqoto, hadday xalaal noqoto, shardi ayuu ku xidhayaa, macnaheedu waxa weeye natiijada doorashada wuu ka baqayaa.”

 

 

Wasiirkii hore ee maaliyaddu waxa uu caddeyay  in  xisbal-xaakinku  aqbalayo natiijada ka soo baxda doorashada madaxtooyada; “Kulmiye wuu aqbalayaa natiijada soo baxda, waayo Kulmiye waxa uu ku kalsoon yahay dadka codaynaya. Kulmiye 80 cod ayaa lagaga badiyay oo uu aqbalay oo siddeed sannadood ayuu mucaarad ahaa oo samir badan soo maray oo marxalado badan soo maray oo guul iyo guul darraba soo arkay oo qarankan u soo tudhay, shacabkana halaga daayo aflagaadada iyo xumaanta, shacabkana waxa xaq loogu leeyahay codka nasiiya, laakiin xaq looguma laha natiijada aqbali mayno, haddaad codka nasiin waydaan, taa shacabku ma aqbalayo, shacabkuna ciday codka siiyaan ayaa dalka xukumaya.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply