Isagoon Filayn ayaa Dahabkii Loo Iibyay!

0
425

Nin oday ah oo Hindiya u dhashay kana shaqayn jiray Xashiishka ururinta dalka Sacuudiga ayaa maalin galay xarun dahabka lagu iibyo, aad ayuu u eegay, oo weliba ugu dheygagay.  Qof  arkayay ayaa sawir ka qaaday waxaana uu soo saaray sawirkiisa Instigram isagoo raaciyay faallada ah “ kan waxa uga fiicnayd inta uu dahabka eegayo inuu xashiishka daawado”, waxaana uu ula jeeday mar hadaanu iibsan karayn muxuu iskaga daalinayaa muxuu xashiishkiisa u daawan waayay..

Laakiin waxa akhriyay wiil Casaam lagu magacabo oo yidhi “ aad ayaan uga xumahay, ninkaasi odayga ah yaa I tusaya aniga ayaa u iibinaya dahabkaasiye”. Odayga waa la raadiyay waana la soo helay , waxaan uu iibiyay dahabkii uu u baahnaa ee uu jeclaystay.

Leave a Reply