Cali Khaliif oo ka Hadlay Shir Lagu Taageerayay Heshiiskii uu la Galay Somaliland

0
446

Buuhoodle (Dawan)- Siyaasiga reer Somaliland Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka hadlay xubno siyaasiyiin ah oo uu sheegay in ay doonayaan sidii ay u carqaladayn lahaayeen heshiiskii dhawaan ay wada galeen Somaliland iyo maamulkiisii Khaatumo.

Hadalka Cali Khaliif ayaa la xidhiidhay   buuq iyo gacan ka hadal ka dhashay  shir la doonayay in lagu taageero heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland ay  wada galeen  oo habeen hore ka dhacay gudaha magaalada Buuhoodle. Kadib  markii xubno ku sugnaa   shirkaasi ay  soo jeediyeen in xilka laga qaado Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, oo ka mid madax dhaqameedka Sool. Cali Khaliif  ayaa isagu dhacdadaasi ku tilmaamay mid aan loo dul qaadan Karin oo soo dhaaftay siyaasad maadaama oo ay isku bedeshay gacan ka hadal.  Waxaanu   yidhi “Siyaasad hada way dhaaftay oo gacan ka hadal ayay maraysaa. Shirarkoodda  markay qabsanayaan lama dhibo, shirarkooda haddii ay isku kalsoon yihiina wixii dadka ay u sheegayaan  haw  u sheegaan, lagama  baqayo waa niman aan isku kalsoonayn haddii ay inoo yimaadan. Kuwo  odayaala oo Gadh Cas oo  miisaska laagayana waan arkayay, Khaatumadii ayaa ka xumaate hala yaabina”.

Wuxuu sheegay in yoolka ay hiigsanayaan aanay cidna hor istaagi Karin.   “Qadiyada aynu leenahay iyo habka aynu rabno in aynu yoolkeena, ku gaadhno cid hor istaagi kartaa ma jirto, iska hadlow Ina Igirre hayska jalabuteeyeen walee taariikhda buug xun ayay ka gelayaan.

Qaddiyaddana looma joojinayo waanaynu ku guulaysanaynaa, cida   leh Khaatumo nagama wakiil aha.  Nimanka  leh dagaal baanu ka xignaa oo ragga islaameed ayaanu laynaynaa,  waxaasina baala-xoofto ayaanu u aragnaa ugamana tegayno. Hawsha dhabteedu  waxay   tahay-na idinka ayaa leh, haddii ay xabad noola yimaada-na anagu xabad ku ridimayno”ayuu yidhi Prof. Galaydh.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply