Shacabka Somaliland oo ka Walaacsan Tuugo Lacago Kaga Dhacday ZAAD-ka TELESOM

0
426

Hargeysa(Dawan)- Dadweynaha iyo ganacsatada leh  meheradaha laga dukaansado ee magaalooyinka  Somaliland, ayaa ka walaacsan adeega ZAAD ee shirkadda TELESOM oo noqday marin cusub oo tuugtu ku dhacaan hantida ummadda reer Somaliland. Taasi oo muddo sannad ka badan soo jirtay oo aan wali xal loo helin.

 

Waxa isa soo taraysa qaylo-dhaanta  bulshadu kaga cabanayso  in tuugo isticmaalaysa ZAAD  ay alaab ka iibsadeen meheradahooda, ka dibna ay  u direen  ZAAD been abuur ah oo ay mar dambe ku baraarugeen. Waxa kaloo jira dad inta uu  qof  la soo hadlay  uu  ka codsaday in loo soo celiyo ZAAD ka soo khaldantay oo dadka qaar run u qaateen oo ay celiyeen,  sidaasna  lagu sawiray oo  mar dambe  ogaaday inay dhacan yihiin.

 

 

Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom ayaan ka caddeyn warbaahinta  tuugta adeegooda dadweynaha ku dhacaysa, waxase fariin digniin ah ay Arbacadii shalay u soo direen macaamiishooda telefoonka  gacanta, waxaanay kaga hadleen dhacdadan anfiirka leh. “Macmiil, fariimaha lacagta ZAAD waxay ku soo dhacaan 898 iyo 222 oo kala ah Doollarka & Shilling-ka. Haddaba, fadlan iska jir fariimaha laga soo diro NUMBER Caadi ah  ee loo ekaysiiyay lacag ZAAD ah,  hana celin ilaa aad hubiso hadhaagaaga. Tuugta fariinta khiyaamada ah adeegsadaa waxay dadka ku beerlaxawsadaan cabasho iyo dedajin ee ka fiirso,”ayay shirkadda TELESOM ku sheegtay fariinta ay u dirtay macaamiisha cabsidu soo food-saartay.

 

Shirkaddu may sheegin in macaamiishii  la  dhacay ay u celinayaan lacagtoodii iyo  in kale. Sidoo kale  wax tafaasiil ah  kamay bixin inay qaadayaan talaabooyin ay kaga gaashaamanayaan halistan shakiga gelinaysa  ZAAD-ka.

 

Dhawr qof oo  dhacdadan lagaga qaaday lacago kala duwan ayaa Wargeyska Dawan, u sheegay inay xukuumadda ka codsanayan  inay farogeliso walaaca ka dhashay kalsooni darrada  laga muujiyay  ZAAD-ka TELESOM.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply