“Xirsi Wuxuu ku Faanaa 24-km Aniguna 120-km Ayaan ka Hirgeliyey” Wasiir Cali Marreexaan

0
608

Burco (Dawan)- Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guryaynta Somaliland mudane Cali Maxamed Xasan (Cali Marreexaan) ayaa sheegay in uu hirgeliyay 120 km oo ka mid ah waddada Ceerigaabo, waxaanu xusay in wasiirkii hore ee madaxtooyaddu uu ku faano 24-km oo uu ka dhisay jidkaas.

Wasiirku waxa uu sheegay in madaxda xisbiga Waddani ay caado ka dhigteen cayda iyo aflagaadada guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murashaxa madaxweynaha mudane Muuse Biixi Cabdi, sidoo kalena waxa uu tilmaamay in ay maararow ka dhigtaan 24 km oo Xirsi ka dhisay jidka Ceerigaabo.

Mudane Cali Marreexaan waxa uu sidaasi ku sheegay hadal uu ka jeediyay fagaaraha khayriyadda magaalada Burco oo uu kala hadlayay kumanaan kun oo ka mid ah taageerayaasha KULMIYE, oo cuddudooda iyo kalsoonida ay u hayaan xisbiga ku soo bandhigay maalintoodii labaad ee ololaha.

“Waxaan uga mahad naqayaa bulshada reer Burco, sida aan kala hadhka lahayn ee ay isu soo abaabuleen, ee ay u muujiyeen taageeradoodii xisbiga KULMIYE ee lagu yaqaanay ee ahayd wacdaraha, xamaasadda, alooska iyo ololaha oo aanay cidina ku gaadhin, xisbi yar oo yab yab ahina ku gaadhi maayo,” ayuu yidhi Wasiirka hawlaha guud.

Wasiirku waxa kale oo uu intaasi ku daray “Waxaan idiin sheegayaa haddaad tihiin reer Burco, waxaa inala jooga wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo guddoomiyihii xisbiga KULMIYE, maalintii dhawayd waxay yidhaahdeen qoladii Waddani, madaxweynaha ayaa loo soo baxay ee KULMIYE looma soo bixin, horta madaxweynaha laftigiisu waa KULMIYE, maantana tii hore waad ka sii toban jeer laabteen, taasina waxay muujinysaa in ay taageero wayn u hayaan xisbigooda iyo xukuumaddooda oo ay waxqabadkii la fuliyay taageeradeedi u hayaan.”

Mudane Cali Marreexaan waxa uu isu soo baxa reer Burco ku cabbiray tixo suugaan ah, waxaanu yidhi “Burco caadadii weeyee, fardo coomiyo wayniyo, hablihii cad cadaa iyo rag casuus leh ma keenay. Halkan waxa ka hadlayay xisbiga WADDANI oo barnaamijkiisu yahay, soddon nin ayay soo taagayaan, oo soddonkaba waxay odhanayaan nin kastow Muuse cay, miyaanay xishood darro ahayn xisbi dhan oo intuu halkaa isasa soo tumo odhanaya nin kastaa Muuse ha caayo oo midow ba midka kale ka cay badnow, sidaas ayay ku kala sarreeyaan, waxaasi wax dal lagu hogaamiyo maaha.”

Wasiiru waxa uu hadal duur xul ah u ganay siyaasiyiinta xisbiga WADDANI, waxaanu yidhi “Xisbiga Waddani waxaan leeyahay, haddii cid la caayayo ama wax laga sheegayo idinkuba ka aad wadataan waa la yaqaanaa, waxa la yidhi rag dameero soo fuul, rag deer cadkiisoo baar qab doobyayaa wado, bandhigii ku soo daa, bal murrashaxiinu intuu Faras soo fuulo sodon kiiloo mitir madasha ha ku yimaado, soo ka dheg duulay durbaba, ma sidaasaa dal lagu hoggaaminayaa, waxa hadhay dhawr iyo labaatan cisho ee yaanu Awrka yar ee caddaysimaha ahi idinla fadhiisanin, amiidaan waasac.”

“Xisbiga WADDANI waxa uu ku meeraalaystaa waddada Ceerigaabo, anigu waxaan ahay wasiirkii waddada ka masuulka ahaa labadii sannadood ee ugu dambeeyay, 24-km oo wada faan ah ayuu meel walba la taagan yahay wasiirkii iga horreeyay, waa kan badhasaabkii gobolka ee goob jooga ka ahaa, waa 24 maalin walba faan lala taagan yahay, 120 km oo laami ah oo ay maalin walba marayaan ayay dafirayaan oo ay odhanayaan 24-kaygii, waxaanu sheeganay 120, waxaanu sheeganay saraar oo dhan oo aanu dhamaynay, waxaanu samaynay buurtii Cadaad Buraale oo aanu dhamaystirnay, waxaas oo dhami miyay jireen, alla faan waynaa, anagu dhegaysan mayno 24-ka wadda faanka ah. Madaxweynaha qaranka iyo xisbiga KULMIYE ayaa iska leh, inaad KULMIYE caydo wax qabadkiisina sheegataa, waa hadal meel waayay dadkuna dhego uma laha, reer Sanaag-na waxay yidhaahdeen ‘Masaafada waddada Ceerigaabo, Maydidiyo Fooxa, maqsuud buu ka yahay reer Sanaag maalka loo huray’ wax ay daan ahayn ha isu sheegina,” ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guryaynta Somaliland mudane Cali Maxamed Xasan (Cali Marreexaan).

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply