Mustafe Shiine iyo Boos Mirre oo ka Hadlay Xilka ay la kala Wareegayaan

0
399

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyaha cusub ee gobolka Maroodi-jeex Boos Mire Maxamed Nuux, oo Khamiistii todobaadka uun magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa soo dhawayeeyay xilka loo igmaday.

Boos Mire oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo xilka loo magacaabay, ee guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, isla markaana uga mahad-naqayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu hoosta ka xariiqay in aanu xisbiga Kulmiye lumin taageeradii uu ka haystay gobalka Sanaag.

Guddoomiyaha oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Aaad iyo aad ayaan uga mahad-naqayaa madaxweynaha xilkan uu ii magacaabay iyo xilalkii ka horreeyay ee uu ii magacaabay, madaxweynaha ayaana ii gartay xilkan guddoomiyaha gobalka Maroodi-jeex, muddo badan ayaan soo shaqaynayay oo ku dhawaad soddomeeyo sanno ah, ama maalin ha u hadhsanaato ama labo maalmood ha u hadhsanaato  xukuumadda, wixii waajiba ee wadanka loo qabanayo waan u qabanayaa, taageerada xisbiga Kulmiye ee gobalka Sanaag qof kuma xidhna, umalayn maayo in uu lumiyay xisbiga Kulmiye taageeradii uu ka haystay gobalka sanaag”.

Boos Mire waxa uu ku amaanay komishanka doorashooyinka, sida ay u qabanayaan doorashada madaxtooyadda ee lagu wado in ay qabsoonto bisha Nofember ee fooda inagu soo haysa, waxaanu sheegay in aanay jirin dagaal uu ku baaqay mujaahid Axmed Mire oo ay walaalo yihiin, waxaana uu  yidhi “Qoraal danbe oo uu soo qoray Axmed Mire waan arkay waxaana uu yidhi anigu maan odhan waxaas far ayaana lagu kala baxayaa, waxaana aad iyo aad ugu mahadnaqayaa koomishanka doorashooyinka oo tiknoolajiyad cusub ku qabanaya doorashadan, cid waliba wixii ay heshay way ogaanaysaa, waana in lagu qanco natiijada soo baxda, markaa wax laysku qabqabsanayaa ma jirto, waxaan rajaynayaa in ciddii hesha lagu hambalyayn doono.”

Dhinaca kale, guddoomiyihii hore ee gobolka Maroodi-jeex Mustafe Cabdi Ciise, ayaa sheegay in uu ku niyad sanyahay wareegtada madaxweynaha Somaliland xilka kaga qaaday, waxaanu tilmaamay in uu xilka u wareejin doono si sharaf iyo qadarin leh.

Mustafe Shiine waxa uu sheegay in uu madaxweynaha Somaliland uga mahad naqayo magacaabistii xilal door ah uu u igmaday, waxaanu tilmaamay in uu ahaan doono arday u dabran ilaalinta karaamada iyo taariikhda madaxweynuhu ku dhex leeyahay ummaddiisa.

Guddoomiyihii hore isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Run ahaantii waa masuuliyad dastuuri ah oo uu lee yahay madaxweynuhu, anigana sida sharafta leh ee warqada Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ku qoran, waxaan xilka ku wareejin doonaa niyad sami.
Waxaan madaxweynaha uga ahad celinayaa shanta jeer ee uu soo saaray xeerka madaxweyne ee uu igu igmaday iyo labada xeer ee kale ee midna uu igaga aqbalay istiqaaladii, kadib markii aan iska casilay xilkii Maareeye ku xigeenka Madbacada qaranka iyo xeerkan uu hadda xilka igaga qaaday.

Inta aan noolahay waxa aan ahaan doonaa arday jecel oo u dabran ilaalinta karaamada iyo taariikhda guunka ah ee uu ummaddan ku dhex lee yahay Madaxweynuhu, weligayna ilaabi maayo wixii abaal iyo karaamayn ahaa ee uu shaqsiyan ii galay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply