Prof. Galaydh oo Sheegay in Heshiiska uu Somaliland la Galay Ummadda Dan u Yahay

0
392

Buuhoodle (Dawan)- Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa ka hadlay muhiimadda uu leeyahay dhammaystirka iyo gunaanadka wada hadalkii Somaliland iyo Khaatumo u socday, oo dhawaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Prof. Cali Khaliif ku kala saxeexdeen xarunta gobolka Saraar ee Caynaba.

Cali Khal waxa uu tilmaamay in heshiiskaasi uu yahay mid dan u ah dalka iyo dadka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan, waxaanu xusay in waxyaabaha lagu heshiiyay ay ka mid yihiin in wax la wada lahaado  oo gobolada bari ee dalka qaarkood oo dib u dhac ka jiro in la soo gaadhsiiyo dalka intiisa kale, isla markaana laga hirgaliyo mashaariic kor loogu qaadayo adeegyada bulshada iyo in nabad gelyada dadka laga wada shaqeeyo oo dadka walaalaha ah laga hor tago wax kasta oo colaad ka dhex abuuri kara.

Prof. Cali isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “heshiiska aanu magaalada Caynaba ku kala saxeexanay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, waxa uu gunaanad u ahaa wada hadalo muddo u soo socday Khaatumo iyo Somaliland oo ku kala qabsoomay Itoobiya, Jabuuti iyo Hargeysa, kan Caynabana wuxuu noqonayaa kii ugu dambeeyay ee lagu kala saxeexday in wax la wada yeesho oo si siman wax loo wada qaybsado,Somaliland waxa dhawaan ka qabsoomaysa Doorashadii Madaxtooyada, dawladda halkaa ka soo baxdaana waxay fulinasa qodobada aanu madaxweyne Siilaanyo kala saeexanay oo ay ka mid tahay in dastuurka la furo.”

Prof. Galaydh aya ka hadlay heshiiska ay madaxweynaha Somaliland Caynaba ku kala saxeexdeen siday dadka deegaankiisu u soo dhaweeyeen, waxaanu yidhi. “heshiiskani wuxuu dan u yahay dadka walaalaha ah ee isku nafta ah ee dhiig iyo dhaqanba wadaaga, waxaana soo dhaweeyay dadka inta samaha iyo wanaaga jecel, waxaa ka soo hor jeeda shaqsiyaad siyaasiyiin ah oo marba meeshay ay dantooda iyo dhadhamadooda ka helayaan u yaaca oo maalinna Puntland jooga, maalinna Xamar taga, marna Hargeysa yimaada, laakiin dadka caqliga u saaxiibka ah ee danta umadda iyo nabad gelyada ka fekerayaa way nagu taageereen, waanay nagu raacsan yihiin meel loo dhaafaana ma jirto in nabad gelyo lagu wada noolaado oo wixii la wada leeyahay la wadaago oo loo sinnaado.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply