Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya oo Shaaciyay Dalal Somaliland ku Jirto oo ay Xoojinayaan Cilaaqaadka ay la Leeyihiin

0
434

Addis ababa (Dawan)-Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Mudane Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay inay dawladiisu kor u qaadayso cilaaqaadka siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay la wadaagto dalalka jaarka ah   oo  ay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Ra’iisul-wasaare Hailemariam Desalegn, wuxuu sidaas ka sheegay kulan Baarlamaanka Itoobiya ay su’aalo ku weydiinayeen khamiistii, siday faafisay Walta Information oo ka mid ah warbaahinta dawladda Itoobiya oo Wargeyska Dawan ka soo xigtay;  “Waxaanu sii xoojinaynaa xidhiidhka dhaqaale iyo siyaasadeed ee aanu la leenahay Jabuuti, Soomaaliya,Koonfurta Suudaan iyo Somaliland,”ayuu yidhi Ra’iisul-wasaaruhu, waxaanu intaas raaciyay; “Itoobiya waxay sii wadaysaa inay kaalin weyn ka qaadato ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka(mandaqada). Waxaanu  ku boorinaynaa beesha caalamka inay ballaadhiso taageeradeeda la xidhiidha arrimahan.”

 

 

 

Waxa kaloo uu Ra’iisul-wasaaruhu  caddeeyay  in rebshadihii dhexmaray dhawaan degaannada Soomaalida iyo Oromada Itoobiya  ay sababeen dad kiro raadis ahi. Balse xiisada labadaas gobol aanay ku wajahnayn   muranka xuduudaha ee u dhexeeya, waxaanu yidhi;  “Kiro doon  ayaa dhaliyay iskudhaca labada degaan, mana ah muran xuduudeed. Waxa jira dad doonaya inay kooto ku haystaan qaadka iyo ganacsiga suuqa madow ee degaankaas. Bulshada degaannadaasi sannado badan ayay  wada noolaayeen oo ay wadaagayeen xuduudaha, mana jirto wax colaad ah oo u dhexaysaa.”

 

Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, waxa uu intaas ku daray in    degaannadii qalalaasuhu ka dhacay nabadgelyo lagu dabaalay,  iyadoo dawladda federaalku kaashanaysa dawlad degaannada.

 

 

Hailemariam Desalegn wuxuu warbaahinta labada gobol  ee Oromada iyo Soomaalida Itoobiya ugu baaqay inay u shaqeeyaan si masuuliyad leh oo aan uga daraynin bulshada. Hadalka ka soo yeedhay  Ra’iisul-wasaare Hailemariam Desalegn, ayaa muujinaya xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya oo iska kaashada nabadgelyada, siyaasadda iyo ganacsigaba.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply