Dal Qani ah oo Haddana Sabool ah!

0
389

Dalka Equatorial Guinea waa dal ku yaalla Afrikada Dhexe oo ka kooban dhulka beriga ah ee  lagu magacaabo Rio Muni iyo 5 jasiiradood oo badda ku yaalla. Caasimadda dalkaasi ee Malabo waxay ku taalla jasiiradda Bioko Island waxaana uu xornimadiisa ka qaatay dalka Spain sanadkii 1968, tirade dadkiisa ayaan ka badnayn hal milyan oo keliya.

Equatorail Guinea waa dalka keliya ee Africa ee ku hadla luqadda Spanishka, kaasi oo hore u gumaysan jiray. Dalkani waa mid qani ah tan iyo sanadkii 1990 wuxu ka mid yahay dawladaha soo saara batroolka ugu badan, waxaana taasi ay ka dhigtay wadanka ugu qanisan dalalka Afrika

Waxa soo saarka guud ee gudaha dalka ayaa aad u sareeya sanadkii 2016 dakhliga dalka usoo xerooday ayaa gaadhay 10 Billion oo doller (GDP per capital $ 8.33).   taasi oo keentay inuu ka mid noqdo dalalka dunida ugu sareeya xagga dhaqaalaha. Si kasta oo ay tahay haddana hantida dalka waxa loo qaybiyaa si aan cadaalad ahayn waxaana si gaar uga faa’iidaysata dabaqad gaar ah dakhliga ka soo baxa saliidda ay dhoofyaan.  Ka sakow dhaqaalaha fiican ee dalku leeyahay haddana  ma jiraan horumarin lagu sameeyo bulshadiisa waxaana warbixin Qaramada Midoobay soo saartay 2014 ay cadaysay in dalkani yahay kan 144 uu yahay dhinaca horumarinta Aadamiga (Human development) iyadoo waxbarashada iyo farsamooyinka bulshada lagu hormariyaa ay aad u hooseeyaan, waxbarashadana dawladuu waxay ku bixisaa dhaqaale 2% keliya.

Xaqiijinta xuquuqda dhaqaale sida xuquuqda waxbarashada iyo daryeelka caafimaad ee aasaasiga ah, ayaa liita, inkasta oo dakhliga saliidda ee muhiimka ah ay waajahayso dadka tirada yar ee waddanka, taasoo ka dhigaysa wax-soo-saarka guud ee dalka qiyaasta dakhliga qofka US $ 30,000 sanadkii , sida ku cad warbixinta Qaramada Midoobay taasi  oo ka dhigaysa tan ugu saraysa Afrika iyo weliba dunidaba iyadoo nolosha bulshada dalka marka la qiimeeyana noqonaysa kuwa dunida ugu saboolsan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka yar kala badh dadweynaha dalkaasi ay heli karaan biyo nadiif ah iyo in 20% carruurta dalkaasi ay dhintaan ka hor inta aanay gaadhin da’da shan jirka.Celceliska dhimishada dadka dalkaasi aha ayaa 45- 56 inta u dhaxaysa, kuwaasi oo ay sabab u tahay saboolnimada iyo caafimaadka bulshada oo aad u hooseya. Dhinaca xuquuqda Aadamiga waxay noqotyay dawladda ugu xun dunida.  Dawladda dalkaasi ayaa qiyaasta dawladaha dunida lagu cabiro ka ah heerka sadexaad waxaana la sheegay inay tahay mid aan ku dadaalin horumarka dadkeeda. Maamulka ayaa ah horumarka bulshada laakiin maaha hantida iyo khayraadka dalku leeyahay.

 

Leave a Reply