Hay’ad ka Shaqaysa Nabadda oo Madaxweyne Siilaanyo Bilad ku Siisay Martigelinta Qaxoontiga Yeman

0
382

Hargaysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo) ayaa shalay  xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo ka socday hay’adda nabadda iyo isdhex-galka bulshada ee dalka Yemen.

Weftigu  ayaa madaxweynaha Somaliland, uga yimid sidii wanaagsanayd ee ay xukuumadda iyo shacbiga Somaliland u soo dhaweeyeen qaxoontigii ka yimmi dalka Yemen ee soo gaadhay Somaliland, waxaanay madaxweynaha gudoonsiyeen shahaado sharaf ay ugu magac dareen shahaadada nabadda iyo horumarinta iskaashiga dunida.

 

Wakiilka  Somaliland u jooga dalka Yemen Mr. Cali Maxamed Axmed ayaa sheegay in weftigani si weyn ugu faraxsan yihiin qaabilaada wanaagsan ee ay kala kulmeen madaxwayne, Axmed Siilaanyo waxaanu yidhi  “Waxay weftigani ugu yimaadeen Madaxweynaha inay uga mahad celiyaan sidii wanaagsanayd ee Jamhuuriyadda Somaliland u soo dhawaysay qaxoontiga Yemen ka soo bara-kacay, waxaanay madaxweynaha siiyeen shahaado sharaf la yidhaahdo ‘shahaadada nabadda iyo soo dhawaynta’ aad baanay ugu farxeen sidii wacnayd ee aynu u qaabilnay dadka Yemeniyiinta ah muddadii ay halkan joogeen, iyagoo ku tilmaamay in aanay dareemayn inay meel kale joogaan waxaanay u arkayeen dad dalkoodii oo kale jooga, taas ayay ugu yimaadeen madaxewynaha.”

 

 

 

Dhinaca kale Guddoomiyaha hay’adda Nabadda iyo horumarinta bulshada ee dalka Yemen oo hoggaaminayay weftigan,  ayaa si weyn ugu mahadceliyay madaxweynaha Somaliland  sida diiran ee dalka loogu soo dhaweeyay, waxaanu yidhi; “Xaqiiqdii waxaannu madaxweynaha sharafta leh ugu mahadnaqnay sida wanaagsan ee la noo marti sooray iyo qalbiga wanaagsan ee uu nagu qaabilay, sidoo kale waxaanu u mahad naqaynaa Xukuumadda iyo shacbiga Somaliland daryeelka iyo sharafta aannu kala kulanay, taasina maaha wax ku cusub shacbiga Somaliland balse waxa jira xidhiidh dheer oo hore, kaas oo isku kaayo xidha, oo ah xidhiidh walaalnimo, xidhiidh jaar-nimo, iyo xidhiidhka qoys kaliya ayaa naga dhaxeeya annaga iyo Somaliland.”

 

 

 

“Waxaannu ka mahadnaqaynaa taageerada xukuumadda Somaliland ay siiso jaaliyadda Yemen, haddii aannu nahay hay’ada nabadda bulshada, waxaanu  Jamhuuriyadda Somaliland u aragnaa dal  nabad iyo jacayl ku dhisan, waxaanu Madaxweynaha sharafta leh, Allaah ha xafidee gudoonsiinay shahaadada nabadda iyo Jacaylka, taas oo salka ku haysa dadaalkiisa iyo go’aamadiisa bini-aadamnimo ee uu qaatay gaar ahaan dadka Yemaniyiinta ah.

Markii ay dalal badani albaabadooda ay xidheen wakhtigii colaadii iyo dagaalkii Yemen ka dhacday, Somaliland waxa ay ahayd xudunta dalalkii na qaabilay, waxaanay ahayd dalkii koowaad, sida Jamhuuriyadda Jabuuti oo kale,”ayuu yidhi . Ugu danbayntii weftigani ayaa Madaxweynaha guddonsiiyay shahaado sharaf ay sheegeen inuu madaxwaynuhu ku mutaysatay qaabiladii quruxda badnayd ee uu u fidiyay dadka qaxoontiga ah ee reer Yemeneed.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply