Murrashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Khudbad u Jeediyay Taageerayaashiisa Ceerigaabo

0
358

Ceerigaabo (Dawan) – Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Waddani Dr.  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in aan laga faa’iidaysan khayraadka uu hodonka ku yahay gobolka Sanaag ee ay ka midka tahay dhirta laga qoro Looxa, Macdanaha kala duwan, Beeyada iyo Dalxiiska gobolkaasi.

Murrashax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu tilmaamay in wax ka qabashada dhammaan arrimahaasi ay ku jiraan Barnaamijka xisbigiisa oo ay fulin doonaan haddii ay ku guulaystaan doorashada madaxtooyada ee Isniinta toddobaadka dambe ka qabsoomaysa dalka.

Md. C/raxmaan Cirro  waxa uu sidaasu ku sheegay khudbad dheer oo uu shalay u jeediyey kumanaan ka mid ah Taageerayasha xisbiga Waddani ee magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, waxaannu intaasi ku daray inay qorshaha ugu jirto dhammaystirka Waddada Ceerigaabo oo uu  ku dooday inay qabyo tahay. Khudbadiisuna waxay u qornayd sidan:- “Dhammaan shacabka gobolka Sanaag, waxaan ku salaamayaa salaanta islaamka. Horaan u sheegay waxaan idhi Ceerigaabo mar hore ayay caddaysay, maantana waxaad xaqiijiseen inaad codayseen. Walaalayaal, himilada Xisbiga Waddani waa inuu middeeyo shacbiga Somaliland oo la helo shacbi siman oo wax walba ka siman oo xuquuqda ka siman oo derajada ka siman oo xilalka ka siman, himiladayadu waa taas. Himilada xisbiga Kulmiye waa jeegaan, jeegaantu miyey ina-wada qaadaa, annagu waxaannu ku beddelaynaa jeegaanta midnimo, saw midnimada ma taageerno, saw Somaliland middaysan ma taageerno, saw Somaliland aan jeegaan ahayn ma taageerno.?

Walaalayaal gobolkani waa gobolkii ay ka soo jeedaan Awowyaasheenii aynu ka soo farcanay, kuna aasan yihiin, waa halkay ka bilaabanto taariikhda Somaliland, gobolkani waxa uu leeyahay taariikhdaasi weyn waa halkay Somaliland ka unkantay.

Somaliland waxay ka bilaabantay gobolka Sanaag, haddaynu abtirsano dhammaan awowyaasheen halkanay ku aasan yihiin, sidaa daraadeed gobolkani wuxuu inoo leeyahay, muhiimad weyn oo taariikhi ah, waa halkay ka bilaabmaysay taariikhdii Somaliland. Gobolkani waa halka dhul ahaan ugu weyn Somaliland, gobolkani waxa uu leeyahay khayraad farabadan, wuxuu leeyahay badd weyn oo dheer, wuxuu leeyahay dekedo caan ah oo Xiis iyo Maydh ka mid yihiin oo taariikhdeena ka mid ah, waa gobol ku haboon kalluumaysiga iyo in laga faa’iidaysto khayraadka badda.”

“Barnaamijka xisbiga Waxa ku jira in dhamaan dekedihii caanka ahaa la soo nooleeyo oo ay ku jiraan Xiis iyo Maydh, Barnaamijka xisbiga waxa ku jira inaynu kobcino khayraadka badda si aynu uga faa’iidaysano. Gobolkani waxa uu leeyahay khayraad aynaan ka faa’iidaysan oo ah Loox, barigii iigu dambaysay ee Somalia aan ka shaqayn jiray Looxa ugu badan ee laga sameeyo Furniture-ka waxa laga keeni jiray gobolka Sanaag, kamaynaan faa’iidaysan hadaynu Somaliland nahay, insha Allaahu Barnaamijkayaga waxa ku jira in Looxa aynu ka faa’iidaysano oo Warshado Looxa iyo waraaqda cadcad ee aynu isticmaalno laga sameeyo gobolka Sanaag.

Gobolka Sanaag waa gobolka ugu khayraadka badan Xoolaha nool marka la eego ee aynu dhoofino, wuxuu leeyahay dhul aad u balaadhan oo ku haboon in si casri ah loogu dhaqo xoolaha, insha allaahu waxaynu bedeli doonaa sidaynu xoolaha u dhaqano, waxaanu noqon doonaa gobol qaniya oo hilibka iyo xoolahaba aynu ka soo saarno.

Gobolkani wuxuu leeyahay khayraad aynaan ka faa’iidaysan oo Beeyada ah, Beeyadu waxay ka mid tahay waxyaalaha ugu qaalisan dunida, insha Allaahu Beeyada laga tahriibin maayo halkan, Warshadaha Beeyada halkan ayaa laga samayn doonaa hadii illaahay ka dhigo,”ayuu yidhi Murrashax Cirro.

Waxa kaloo uu intaas ku daray “Gobolkani waxa uu leeyahay macdano farabadan oo aynaan sinaba uga faa’iidaysan, dadku waxoogaa dhagxaan ah ayay ka gurtaan gobolka Sanaag, laakiin waxaynu u baahanahay nooguna jirta barnaamijka sidii khayraadkaa macdanta looga faa’iidaysan lahaa hadii Illaahay ka dhigo.

Qorshaha waxa noogu jira maadaama oo gobolka Sanaag uu yahay gobolka ugu fog marka la eego Caasimada in madaarkii Ceerigaabo la dhigo, hadii madaar la helana waxaanu dhiirigalin doonaa dalxiisayaasha ama Somaliland ama Dunidaba in halkani noqoto xarunta dalxiiska Somaliland, waxa noogu jira barnaamijka in aanu dhamaystirno waddada Ceerigaabo ee qabyada ah ee halkii Xirsi kaga tagay wali joogta.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply