Xukuumadda Somaliland oo Caddaysay Talaabooyinka ay kaga Jawaabayso Daandaansiga Maamul-goboleedka Puntland

0
364

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda  Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa jawaab adag ka bixiyay Baarlamaanka  maamul goboleedka Puntland oo shalay ansixiyay qorshe khiyaali ah oo ay ku sheegeen inaanay doorashada madaxtooyada Somaliland aanay ka dhicin Sool iyo Sanaag-bari.

 

Wasiirku waxa uu  sheegay in ay doorashadu ka qabsoomayso guud ahaan dalka, isla markaana aanay jirin cid is hor-taagi kartaaa.

.

“Somaliland cidna duulaan kuma aha, dal aan dalkeeda ahayna doorsaho kama qabanayso, hanjabaadaasina waa daan daansi,” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo waraysi  gaar ah siiyay xalay  Wargayska Dawan.

Wasiir Faratoon waxa kaloo uu intaas ku daray; “Puntland waxay caaddaysatay in ay ku soo cel-celiso hadallo colaad iyo xaalad abuur ah oo ay ku gardaraysanayso Somaliland, marnaba Somaliland dadkeeda iyo dawladoodu cidnaba cadow kumay noqon, imikana kuma aha, waxaannu jecel nahay dhammaan deriskayaga in aanu jaar wanaag iyo nabad ku wada noolaanno, ciddii taa soo dhaaftana xaq ayaanu u leenahay in aanu duulaankooda iska difaacno oo dalkayaga sugno xuduudihisa iyo ammaankiisaba.”

“Doorashadu way ka wada qabsoomaysa Somaliland, cid is hortaagi kartaana ma jirto, Puntland hadday deris wanaagga iyo nabadu deeqi waydo, wixii dhibaato iyo cawaaqib xumo halkaa ka yimaada iyaga ayaa masuul ka ah, la iskuna qabsan maayo dhulka Somaliland ee wixii xuduudayada isku daya in ay soo galaan halkooda ayaanu kaga hor tegi doonaa,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply