Ruushka oo ku Eedeyay Maraykanka in uu Farogalin ku Hayo Doorashadadooda

0
377

Madaxweynaha Ruushka ayaa dowladda Maraykanka ku eedeeyay in ay doonayaan in ay farogalin ku sameeynayaan doorashada dhacaysa sanadka dambe ee dalka Ruushka.

Vladamir Putin ayaa sheegay in eedeymaha ah in ciyaartooyda Ruushka ay isticmaaleen daroogo ay tahay arrin looga gol leeyahay in doorashada lagu farogaliyo.

Wuxuu sheegay in baadhitaanka fadeexada maandooriyaha ee ciyaartooyda Ruushka ee ka qeyb qaadanaya ciyaaraha olimbikada adduunka lagu soo beegay xiliga ay dhacayaan doorashooyinka Ruushka bisha Maarso ee sanadka dambe, si  dadka looga horkeeno dowladda.

Waxa uu hadalkan imanayaa xili dowladda Maraykanka ay baadhayso farogalin la sheegay in Ruushka ku sameeyay doorashadii Maraykanka ee dhacday sanadkii 2016-kii.

Waxa uu hadlayay waxyar kadib markii afar ciyaartooy oo Ruush ah lagu heley in ay daroogo isticmaaleen, waxaana laga mamnuucay ciyaaraha barafka .

Leave a Reply