Madaxweynaha Somaliland oo Kulan Muhiim ah ku soo Macasalaameeyay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya

0
393

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Md. Hailemariam Dessalegn, uga mahadceliyay  sidii wanaagsanayd ee saaxiibtinimada lahayd dawladiisu ula shaqeysay toddobadii sannadood ee uu Somaliland ka ahaa Madaxweynaha. Waxaanu  Addis ababa kula yeeshay kulan sagootis ah.

 

Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayay ayaa booqasho hal maalin qaadatay ku tagay Itoobiya, waxaannu shalay  ku soo laabtay caasimadda Hargeysa.

 

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa ayaa Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa kulan kula yeeshay Ra’isal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn iyo wasiirka arrimaha dibadda Itooobiya Dr. Workneh Gebeyehu.

 

“Waxaannu khamiistii Hargeysa  kaga tagnay wefti uu hoggaaminayay madaxweynaha, marwada koowaad, aniga oo ah wasiirka arrimaha dibada iyo xoghayaha madaxweynaha, waxaannu ka degnay Addis Ababa si aad u qurux badan oo milgo leh ayaa naloo soo dhaweeyey roog cas ayaa naloo dhigay,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland. Dr. Sacad Cali Shire oo shalay galab warbaahinta ugu waramay Madaarka Hargeysa.

Waxa kaloo uu intaas raaciyay; “Waxaannu yeelanay laba kulan oo  ka hore wasiirka arrimaha dibadda  Dr. Workneh Gebeyehu ayaannu la yeelanay, waxaanu ahaa kulan sagootin ah, markii dambena waxaannu la kulanay Ra’isal-wasaare Hailemariam Desalegn.”

 

“Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaruhu waxyaabo badan ayay kulankooda iskula soo qaadeen oo  kaga wada-hadleen, kuwaas oo ay ka mid tahay xidhiidhka labada waddan ka  dhexeeya, arrimaha iskaashiga iyo doorashooyinka,”ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay; “Madaxweynuhu wuxuu uga mahadceliyay  wada shaqayntii wanaagsanayd ee ay wada lahaayeen Madaxweynaha iyo Ra’iisal-wasaaruhu. Kulankani wuxuu ahaa mid aad iyo aad munaasib u ahaa, waayo isniinta ayaa la galayaa doorashadii madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, markaa in      Ra’iisal-wasaaruhu uu shir sagootin ah kula kulmo Madaxweynaha waa wakhti ku habboon.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply