Hargeysa(Dawan)- Murrashaxa madaxweynaha ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shaaciyay inay kulan la yeesheen Guddida doorashooyinka qaranka, isla markaana ay ugu gudbiyeen tabashooyinkoodii.
Murrashax Cirro waxa uu intaas ku daray inay komishanka la yeelan doonaan kulan labaad oo ay komishanku jawaab kaga bixin doonan tabashada loo gudbiyay,waxase uu ku dooday in xal lagu qanco laga gaadhi doono khilaafkan.
“Annagoo aad iyo aad uga xun kana murugaysan waxaannu tacsi u diraynaa dadkii shacabka ahaa ee ku geeriyooday shaqaaqadii ka dhacday Burco iyo Hargeysa. Waxaannu Ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistiisii jano ka waraabiyo dadka geeriyooday ee muwaadiniinta ahaa,intii dhaawacantayna waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu caafimaad sareecan ah siiyo,”ayuu yidhi Murrashax Cirro oo xalay gurigiisa kula hadlay warbaahinta.
“Shacabka iyo taageerayaasha xisbiga sidaan horeba ugu baaqnayba waxaannu ugu baaqaynaa inay ilaaliyaan amniga,”ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cirro. Murrashax Cirro waxa uu xusay in shalay wadahadal u bilaabmay komishanka doorashooyinka qaranka iyo xisbiga WADDANI. “Waxaanu u sheegaynaa dadweynaha in maanta (shalay) wadahadal u bilaabmay komishanka doorashooyinka iyo xisbiga WADDANI, si loo xalilo codsiga iyo tabashada uu gudbiyay xisbiga WADDANI. wadahadalkii kowaad oo aanu yeelanay waanu u gudbinay wixii tabashooyinba ahaa waxaanan iskugu imanaynaa wadahadal labaad oo aanu ku heli doono go’aanka komishanka.”
“Waxaanu ugu baaqaynaa taageerayaasha xisbiga WADDANI inay naga dhursugaan, waxaanan rajaynaynaa in xaaladaas la xalilo oo xal qanciya xisbiga laga gaadho haddii Ilaahay ka dhigo,”ayuu yidhi Murrashaxa madaxweynaha WADDANI.
Waxa shirkan goobjoog ka ahaa Murrashaxiisa Madaxweyne ku-xigeenka, Dr. Maxamed Cali Cabdi, Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee WADDANI, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Hoggaamiyaha xisbigaas, Xirsi Cali Xaaji Xasan, siyaasi Maxamed Biixi Yoonis, siyaasi Xuseen Axmed Caydiid, Xoghayaha Guud ee WADDANI,Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde , siyaasi Cabdiriaaq Khaliif Axmed, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo Xoghayihiisa gaarka ah Maxamed Dirir.
Dawannews Hargeysa office