Ramaax oo ka Hadlay Shaqaaqo Kooban oo ka Dhacday Burco

0
418

Burco(Dawan)- Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax,ayaa sheegay in shaqaaqo kooban oo ka dhacday magaalada Burco in aanay wax saamayn ah ku yeelan nabad gelyada  degmada Burco isla markaana ay si weyn uga wada hawl galeen madaxdhaqameedka Culimada iyo maamulka heer gobol iyo degmo iyo ciidamada kala duwan ee Burco ku sugan oo si nabad gelyo ah xaalada ku soo celiyay waxaanu intaa raaciyay in qof dumar ahi ay shaqaaqada kooban ku dhaawacantay laguna dawaynayo Cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Guddoomiye Ramaax waxaa kaloo uu hambalyo u diray asxaabta qaranka ee tartanka adag soo wada galay iyo bulshada reer Somaliland ee sida wanaagsan ee nabad gelyada ah codkooda u dhiibtay,waxaanu intaa raaciyay in ay Somaliland guulaysatay.

Guddoomiyaha oo xalay khadka taleefanka ugu warramay Wargayska Dawan,waxaa uu yidhi. “dhibaato wayni may dhicin waxaa magaalada Burco fiidkii ka dhacay dhallinyaro in ay dhagaxaan tureen isla markaana ay taayiro ku gubeen waddooyinka laaliin si tader badan oo wanaagsan ayay ciidamada oo ay gacan siinayaan isla markaana ay nabad gelyada kala shaqaynayaan madaxdhaqameedka,culimada iyo madaxda heer gobol iyo degmo ka wada hawl galeen sidii rabshadda loo joojin lahaa wax qasaare ahina aanu ka dhasheen,laakiin waxaa nagaga dhaawacantay gabadh imikana waxaa lagu dawaynayaa cisbitaalka guud ee Burco imikana xaaladu way degen tahay Burcona madaxdhaqameed,Culimo iyo maamul heer gobol iyo degmaba way wada shaqaynayaan dhallinayaradana waanu wacyi gelinay waanay degentahay xaaladu.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray. “Waxaanu hambalyaynaynaa dhammaan saddexda xisbi qaran ee tartanka wada galay iyo lixda musharax ee loolamayay waxaanan si gaar ah u hambalyaynaynaa musharax Cabdiraxmaan Cirro oo si wanaagsan u aqbalay natiijada doorashada waxaa kaloo aanu hambalyaynaynaa musharixiinta Madaxweyne iyo ku-xigeen ee soo baxay iyo gudiga doorashooyinka oo shaqo wanaagsan qabtay waana mid Somaliland caado u ah in ay wada jirka qaranka isu taagaan markasta oo ay cadawgu moodaan in ay innagu adagtahay annagoo ah dhammaan maamulka heer gobol iyo degmoba waanu hambalyaynaynaa dhammaan asxaabta qaranka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply