Madaxweynaha Angoola oo lagu Ammaaney Tallaabooyin uu Qaaday

0
406

Madaxweynaha cusub ee Angoola,  Joao Lourenco ayaa kooxaha isbeddel doonku waxa ay ku ammaaneen tallaabooyin uu qaadey oo ay ku tilmaameen guul, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen saraakiil sarsare oo rajiimkii hore ahaa oo uu meesha ka saarey.

Waxa uu toddobaadkani eryay madaxii booliiska, kii sirdoonka iyo madaxii shirkadda saliidda oo aheyd gabadh uu dhaley madaxweynihii hore ee uu xilka kala wareegay.

Mid ka mid ah kooxaha ololeeya oo la yidhaa Rapper Luaty Beirao, oo marna la xidhey ayaa laga soo xigtey isaga oo leh tallaabooyinkani waxa ay ahaayeen kuwo isbeddel ah.

Madaxweynihii hore ee Angoola, Jose Eduardo dos Santos  ayaa xilka ka degay bishii Sebtembar kadib 37 sano oo uu xilka soo hayay.

Mr Lourenco, oo loo yaqaan “JLo”,  waxa soo qadimey inuu xilka uga danbeeyo Mr Dos Santos bishii August – waxaana dadka wax odorasaa sheegeen inay filayaan inuu halkaasi ka sii wadi doono.

Leave a Reply