Madaxweynihii Zimbabwe oo Is casilay Xilli Baarlamaanku ka Doodayay Xil ka Qaadistiisa

0
412

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa xilkii iska casilay, xilli uu baarlamaanka dalkaasi ku guda jirey dood la doonayay in xilka lagaga xayuubiyo, sidaasna waxa  sheegay afhayeenka baarlamaanka Jacob Mudenda.

Waraaq uu soo qoray Mugabe ayuu ku sheegay in uu iskii u gaadhay go’aankaas, si uu u fududeeyo awood wareejinta.

Ku dhawaaqidan la yaabka leh markii lagu dhawaaqay dabaaldeg ayaa ka billawday baarlamaanka, shacabkuna waxay billaabeen in ay waddooyinka ku damaashaadaan.

Mugabe ayaa horay u diiday in uu xilka iska casilo, inkastoo ay awooddii la wareegeen ciidammadu toddobaadkii hore, mudaharaadyo badan oo arrintaas lagu dalbanayana ay dhaceen.

Waraaqdu ma aysan sheegin cidda Mugabe xilka kala wareegi doonta.

Dastuurka dalkaasina wuxuu qabaa in uu xilka la wareego madaxweyne ku xigeenka talada haya Phelekezela Mphoko, kaas oo aad u taageersan xaaska madaxweynaha Grace Mugabe.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay in uu socdo qorshihii hogaamiye cusub lagu dooran lahaa Arbacada.

Leave a Reply