Dawladaha Ingiriiska & Jabuuti oo Hambalyeeyay Madaxweyne Muuse Biixi

0
406

London(Dawan)- Xukuumadda Ingiriiska ayaa daboolka ka qaaday  inay wada shaqeyn dhow la yeelan  doonto Madaxweynaha la doortay ee Somaliland  Md. Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumadiisa, si loo horumariyo wanaagga bulshada Somaliland.

Mr. David Concar, safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo fariin muuqaal ah soo duubay wuxuu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan u hambalyeeyo Md. Muuse Biixi Cabdi ee loogu doortay doorashadii madaxtinimada. Ingiriisku xidhiidh qoto-dheer ayaa ka dhexeeya Somaliland, qeyb weyna waxay ka qaataan taageerada horumarkooda.”

 

“Waxaan doonaynaa inaan si dhow ula shaqeyno madaxweynaha la doortay iyo kooxdiisa, wanaajinta dhamaan shacabka Somaliland. Waxaan kaloo doonayaa inaan ku hambalyeeyo shacabka Somaliland ku gudashada xuquuqdooda cod-bixineed hab nabadgelyo ah iyo kaalintii wacnayd ee Komiishanka doorashooyinku ka qaateen hawsha doorashada.

Mr. Concar ayaa u soo jeediyey dhammaan dhinacyada ay khusayso inay ixtiraamaan cugashada shacabka, waxaannu yidhi, “Waxaan u soo jeedinayaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay ixtiraamaan cugashada shacabka, isla markaana taageeraan nabadda iyo xasiloonida.”

 

“Somaliland khibrad ayey u leedahay in awooda xukunka si nabadgelyo ah loola kala wareego, Ingiriiskuna waxuu saadaalinayaa in wanaagaasi sii socdo. Xukuumadda Somaliland iyo shacabku waxay mar kale tusaale u noqon doonaan waddamada jaarka inay ku deydaan.”

Dhinaca kale, Danjiraha dawladda Jabuuti u fadhiya  Somaliland  Xuseen Cumar Kawaaliye  ayaa tahniyad uu ka sido Madaxweynaha dalka Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle soo gaadhsiyey Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md: Muuse Biixi Cabdi iyo shacabweynaha Somaliland ee sida dimuqraadiyad ah u doortay Madaxweynihii saddexaad ee ku yimaad nidaamka hal cod iyo hal qof .

 

Danjiraha oo ku hadlaayey magaca  Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle iyo xukumadiisa ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Somaliland  “Anigoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti , Marwada kowaad , Xukumadda iyo shacabweynaha Jabuuti  isla markaana ah Safiirka Jabuuti u jooga Magaalada Hargeysa, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa  Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeen Cabadiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  oo la doortay codayntii 13-kii November“ ayuu yidhi.

Danjire Xuseen ayaa sheegay in Somaliland iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo walaalo ah, waxaannu yidhi “Waxaanu nahay laba dal oo walaalo ah oo wada shaqayn iyo wada noolansho wanaagsan ka dhaxeeyo, hambalyo baan leeyahay dhammaan shacabweynaha Somaliland, sidii wanaagsanayd ee dimuqraadiyada lahayd ee aad u codayseen, waxaad muujiseen bisayl dimuqraadiyadeed oo aad dunida tusteen.”

 

 

Dhinaca kale, Sir Mo Farah ayaa hambalyo u soo diray madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo shacabka Somalilandba.

Muuqaal uu codkiisa ku duubay Sir Mo Farah, orordyahanka caalamka u haysta 5 & 10 kun mitir  asalkiisu ka soo jeedo Somaliland ee dhowaan boqorada ingiriisku gudoonsiisay bilad sharafka ugu sareeysa, waxaaannu yidhi; “Waan idin salaamayaa dhammaantiin. Waxaan doonayaa inaan u hambalyeeyo Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi. Waa farxad inaan arko guusha shacabka reer Somaliland gaadheen.”

 

“Waxaan sidoo kale u hambalyeynayaa dhammaan intii ka qeybqaadatay, murrashaxiintii  kale iyo dhammaan bulshada,”ayuu yidhi Sir Moh Farah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply