Madaxweynaha Somaliland oo Shaaciyay in KULMIYE Dib Loogu Doortay Wax-qabadkii Xukuumadiisu ka Hirgelisay Dalka

0
415

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa amar ku siiyay wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda inay si degdeg ah u diyaariyaan xil-wareejintii, si uu xilka ula wareego madaxweynaha shanaad ee la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kaloo madaxweyne Axmed Siilaanyo uu sheegay in guusha xisbiga KULMIYE mar labaad loogu doortay hoggaanka dalka shanta sannadood ee soo socda ay ku timid waxqabadkii xukuumadiisu ka hirgelisay waddanka.

Madaxweynuhu wuxuu sidaas ka sheegay hadal uu ka jeediyay shir aan caadi ahayn oo uu shalay iskugu yeedhay Golihiisa wasiirrada, Maareeyeyaasha Hay’adaha madaxa-bannaan iyo taliyeyaasha ciidammada qalabka sida, waxaannu masuuliyiinta xukuumadda faray in la ilaaliyo hantida qaranka xilligan kala guurka ah.

 

 

“Ugu horreyn, waxaan si weyn idiinku bogaadinayaa dedaalka iyo doorkii qiimaha lahaa, ee aad ka qaadateen ololaha doorashooyinka Xisbiga Kulmiye. Waxaan aamin-sanahay, in aad udub-dhexaad u tihiin guusha xisbiga kulmiye gaadhay. Waxaan aamin-sanahay, in xisbiga kulmiye lagu doortay horumarkii iyo wax-qabadkii uu dalka ka hirgeliyey, ee aad bud-dhiga u ahaydeen. Waxaan aaminsanahay, in aynu xaqiijinnay himilooyinkii iyo hadafkii aynu lahayn, xukuumad ahaan iyo xisbi ahaanba,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

 

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray  inaanu ku khasaarin golihiisa wasiirrada ee uu xukuumadiisa, waxaannu ku dooday inay  si hagar la’aan ah u guteen xilkoodii, waxaannu yidhi; “Mudaneyaal iyo marwooyin,Sharaf weyn ayey ii tahay, aniga ka madaxweyne ahaan, iyo idinkaba, in  mar labaad xisbigeennii uu ku guulaysto hoggaaanka talada dalka. Sumcad iyo wanaagga aan maanta kaga tagay qarankan, idinkaa sabab u ah. Hoggaamiyayaashu way kala nasiib badan yihiin, ama wey kala cawo iyo ayaan badan yihiin.

Kumaan khasaarin, isla markaana eebbe iguma xilin, in aan idiin cugtay ama idiin magacaabay in aad noqotaan kaaliyayaashaydii.Sidaa darteed, waxaan jecelahay in aan dhammaantiin idiinka mahadceliyo, sidii hagar la’aanta ahayd ee aad u gudateen xilkii qaranka, isla markaana aad iila shaqayseen, iina garab is-taagteen.”

“Sida aad la socotaan, waxaynu ku jirnaa xilli kala guur ah, oo aynu xilkii qaranka ku wareejinayno, madaxweynaha cusub ee la doorta, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Haddaba, waxaan idin farayaa in mas’uul waliba deg-deg u diyaariyo, xil wareejintii looga baahnaa. Waxa kale oo aan idinku adkaynayaa in wakhtiga kala guurka ah, la ilaaliyo hantida qaranka. Wakhtiga iyo qaabka xil-wareejinta, waxaan idinkaga tagayaa niyad sami, mustaqbal wacan, madaxtinimo iyo duco,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply