Turkiga oo Waaran u Jarey Sarkaal Hore uga Tirsanaa CIA

0
405

Dacwad oogaha guud ee Turkiga ayaa soo saarey waaran soo qabasho ah oo lagu raadinayo in loo soo gacan geliyo sarkaal hore oo ahaa  CIA oo la yidhaa Graham Fuller.

Denbi oogaha guud waxa uu ku eedeeyay Mr Fuller,  oo hore u ahaa kuxigeenka golaha  sirdoonka qaranka inuu xidhiidh la lahaa wadaadka muslimka ah ee Fethullah Gulen.

Mr Gulen, oo ku nool Mareykanka ayaa Turkigu ku eedeeyeen  inuu ku lug lahaa inqilaabkii sannadkii hore  fashilmey, taasi oo isna uu  diidey.

Sida ay werisey jariirada maalinlaha ah ee Hurriyat waxa kale oo waaranku ku eedeeyay Mr Fuller  inqilaab lagu doonayay in lagu afgenbiyo dowladda Turkiga.

any part in last year’s events in Turkey

In ka badan 50,000  oo qof ayaa loo qabqabtey inqilaabkaasi lagu xidhiidhinayo Mr Gulen.

 

GETTY IMAGES

 

Leave a Reply