Baarlamaanka Yurub iyo Ingiriiska oo Dhambaal Taageero ah soo Gaadhsiiyay Madaxweynaha la Doortay ee Somaliland

0
435

Hargeysa (Dawan)- Wefti ka socda Baarlamaanka midawga Yurub iyo Ingiriiska ayaa dhambaal hambalyo ah soo gaadhsiiyay Madaxweynaha cusub ee dhawaan shacabka reer Somaliland doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, weftigaasi oo ka kooban xildhibaanno si xoog leh ugu dhaqdhaqaaqa qaddiyadda gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii ay ictiraaf rasmi ah uga heli lahayd beesha caalamka.

Weftigan oo ka kooban xildhibaanno si weyn dunida looga yaqaanno iyo siyaasiyiin caan ku ah ololaha ka midho-dhalinta sidii Somaliland dunida inteeda kale uga heli lahayd ictiraaf buuxa, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xildhibaan James Carver oo ka mid ah Midowga Yurub, lagana soo doorto Gobolka West Midland ee dalka Ingiriiska, xildhibaan Raymond Finch oo Golaha Baarlamaanka Midowga Yurub ka tirsan, kana soo jeeda Gobolka Koonfur-Bari ee dalka Britain, lagana soo doortay xisbiga UK Independence Party (UKIP) iyo Stephen Atkinson oo ah la-taliyaha arrimaha dibadda u qaabilsan, xildhibaan James Carver, isla markaana xubin ka ah golaha ay ku bahooheebeen saaxiibada ay Somaliland ku leedahay Golaha Baarlamaanka Midowga Yurub iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Belgium-ka Md. Maxamuud Cabdi Dacar, waxaanna kulankaas Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md. Maxamed Ibraahim Qabo iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Kaysar Cabdilaahi Maxamed.

Kulanka oo lagaga wadahadlay arrimo dhawr ah oo kala duwan, waxa xildhibaannadu halkaasi ku soo gaadhsiiyeen Madaxweynaha cusub hambalyo ay ka sideen guud ahaan Baarlamaanka reer Yurub iyo gaar ahaan dalka Ingiriiska ee ay kasoo jeedaan.  

Waxa kale oo xubnahan wefiganii Madaxweynaha ugu bushaareeyeen inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan ka midho-dhalinta qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, iyaga oo shaaciyey inay gacan buuxda ka siin doonaan xukuumadda cusub sidii ay dunida Ictiraaf buuxa uga heli lahayd.

Madaxweyne Muuse, ayaa dhinaciisa xubnaha xildhibaannada ah ku bogaadiyey doorka lama ilaawaanka ah ee ay kaga jiraan raacdada loogu jiro ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu ammaanay dadaalka ballaadhan ee ay ka dhex wadaan Golaha Baarlamaanka Midowga reer Yurub dhexdiisa, waxaannu  ballanqaaday inuu si dhaw ula shaqayn doono, kana saacidi doono wax kasta oo ay uga baahdaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply