Isbaheysiga Sacuudiga oo soo Dhoweeyey Baaqa Cabdalla Saalax

0
437

Xulafada uu Sacuudigu hor kacayo ayaa soo dhoweeyey hadal ka soo yeedhay madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax oo xoogagiisu ay dagaal kula jiraan Xuutiyiinta, kaasoo wadahadal ku yaboohay.

 

Hadal ay xulafadu soo saartay ayaa lagu sheegay in go’aankaas “uu yahay mid hogaanka qabanaya, lana safanaya rabitaanka dadka, Yemenna ka xoraynaya miliishiyada daacadda u ah Iiraan”.

Mr Saalax wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay in “bog cusub la furo” haddii isbahaysigu uu qaado xannibaadda, uuna joojiyo weerarrada.

Laakin Xuutiyiinta, oo ay jaal ahaayeen ilaa todobaadkii hore, waxay ku eedeeyeen khiyaano qaran.

Hogaamiyaha kooxda, Cabdulmaalik al Xuuti wuxuu Mr Saalax ku eedeeyey inuu jaal la ahaa Sacuudiga, arrintaasoo “uu ka shakisanaa balse iminka cadaatay”.

Dirirta u dhaxaysa xoogagga Mr Saalax iyo dagaallamayaasha Xuutiyiinta ayaa maalmo ka socotay magaalada caasimadda ah ee Sanca. Kooxaha gargaarka waxay sheegeen in tiro dad ah lagu dilay boqolaal kalena lagu dhaawacay.

Xuutiyiinta waxaa taageerta Iiraan, waxayna jaal la ahaayeen xoogagga Mr Saalax oo ay ka wada hor jeedeen xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ee madaxweyne Cabdurabbuh Mansuur Haadi tan iyo 2014.

“Waxaan ugu baaqayaa walaalaha iyo dalalka deriska ah iyo isbahaysiga inay joojiyaan weerarka, oo ay qaadaan hareereynta, ayna furaan garoomada dayaaradaha oo ay ogolaadaan in dadka la gaadhsiiyo raashinka gargaarka iyo in la badbaadiyo kuwa dhaawacyada qaba, innaguna waxaan furi doonnaa bog cusub oo ku dhisan deris wanaag” ayuu ku yidhi Mr Saalax Khudbad uu TV ka sii daayey.

Wuxuu intaa ku daray “si wanaagsan ayaan u tacaamuli doonnaa, waxa Yemen ku dhacaynna waa wax ku filan”.

Madaxweyne Haadi ayaa isna soo dhoweeyey hadalkaas, wuxuuna sheegay in uu Mr Saalax kala shaqayn doono sidii Xuutiyiinta looga hortegi lahaa.

Wuxuu codsaday in ‘dhinacyada siyaasadda oo dhan ay bog cusub furaan, lana sameeyo isbahaysi qaran oo sal ballaadhan, kaasoo seeska u dhiga waayo cusub, dadka oo dhamina ay u midoobaan sidii looga hortegi lahaa miliishiyada inqilaabka samaysay’.

Xuutiyiintu way ku gacan saydheen hadalka Mr Saalax. Afhayeen u hadlay ayaa yidhi ‘khudbadda Saalax waa afgambi ka dhan ah isbahaysigii aan wada ahayn, waana mid dibadda soo dhigaysa khiyaanada ay wadaan kuwa sheegaya inay duullaanka ka soo hor jeedaan’.

Dagaalkan ugu dambeeyey ayaa qarxay Arbacadii, markii taageerayaasha Mr Saalax ay ku eedeeyeen fallaagada Xuutiyiinta inay jabiyeen dhismaha masjidka magaalada ugu weyn

 

 

Leave a Reply