Siyaasi Masri ah oo Warkiisa la Waayay Markii laga Musaafuriyay Iimaaraadka

0
421

Qoyska ra’iisul wasaarihii  hore ee Masar Ahmed Shafiq ayaa sheegay in aaney ka war heyn halka uu ku sugan yahay kadib markii  laga musaafuriyey Iimaaraadka carabta, maalmo ka dib markii uu sheegay inuu doonayo inuu u tartamo doorashada madaxweynenimada Masaarida ee 2018.

 

Qoyskiisa ayaa ugu baaqey masuuliyiinta Masar in ay u caddeeyaan halka uu ku suganyay.

Looyarkiisa ayaa iyana sheegtay in aanay arag, warna ka maqal Mr Shafiq oo sabtidii laga masaafuriyay Abudhabi..

Ilo ku dhow qoyska Mr Shafiq ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in markii hore lagu xidhay gurigiisa, ka dibna dayaarad loogu qaaday magaalada Qaahira.

Mr Shafiq wuxuu u cararay dalkaas gacanka ku yaalla ka dib markii uu ku guul darraystay tartan doorasho madaxweynenimo oo uu ku guulaystay Maxamed Morsi 2012.

Madaxweynaha iminka talada haya, Cabdulfataax al Sisi, ayaa la rumaysan yahay inuu doonayo inuu mar kale xafiiska qabto, laakinse weli lama xaqiijin.

Weli ma cadda sababta Mr Shafiq looga musaafuriyey Iimaaraadka.

Khamiistii ayey Iimaaraadka carabtu beeniyeen in ay ka hor istaagen Mr Shafiq inuu u safro Qaahira.

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa ka soo muuqday TV-ga Al Jazeera, isagoo sheegaya in laga hor joogsaday inuu safro.

Mid ka mid dadka gacan yareyaasha u ah ayaa sheegtay inay aragtay askar timid gurigiisa ku yaalla Abudhabi.

“Guriga ayey ka kaxeeyeen, ka dibna waxay saareen dayaarad gaar ah. Waxay sheegeen inuu Qaahira ku laabanayo, sababtoo ah dalkiisa oo qudha ayey u musaafurin karaan” ayey u sheegtay wakaaladda AFP.

Mr Shafiq waxaa ra’iisul wasaare loo magacaabay maalmihii ugu dambeeyey ee xukunkii Xusni Mubaarak 2011, wuxuuna xilkaas sii hayey seddex todobaad ka dib markii uu dhamaaday kacdoonkii Masar, markaasoo lagu khasbay inuu xukunka ka dego isagoo lala xidhiidhinayo inay isku dhow yihiin madaxweynihii hore.

Tan iyo 2012, markii la xidhay Maxamed Morsi, wuxuu ku noolaa Iimaaraadka carabta.

Mr Shafiq oo ahaan jiray duuliye kaxeeya dayaaradaha dagaalka ayaa noqday taliyaha ciidanka cirka muddadii u dhaxaysay 1996 – 2002.

Leave a Reply