Muuse Biixi (Madaxweynaha) iyo Mucaaridku way Taageereen Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland’

0
459

Hargaysa (Dawan)-  Hoggaamiyihii  maamulkii Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka hadlay heshiiskii ay dhawaan xukuumadda Somaliland ku kala saxeexdeen magaalada Caynaba iyo  kulamo uu la yeeshay  madaxweynaha cusub.

Prof. Cali Khaliif, waxa uu sheegay  in kulamo uu la yeeshay  madaxweynaha la doortay iyo  hogaamiyeyaasha labadda xisbi mucaaridka ee UCID iyo Waddani, isla markaana ay si isku mid ah u soo dhaweeyeen heshiiskaasi iyo in Khaatumo ay la midawdo Somaliland.

Cali Khaliif ayaa sidoo kale ka hadlay rejadda uu ka qabo in madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi, uu sidiisa u fuliyo heshiiskii ay dhawaan wada gaadheen Khaatumo iyo Somaliland.

Isagoo ka hadlayay kulanka uu la yeeshay madaxweynaha la doortay iyo arrimihii ay ka wadda hadleen, waxa  uu yidhi “Waan is aragnay madaxweynaha la doortay. Imika intii la doortay ilaa laba jeer ayaan kulanay, wakhti badana waanu  isku helnay. Waxyaalaha aanu ka hadlaynayna arrimaha guud  ee Somaliland ayay ahaayeen.

Xisbiga Kulmiye ee uu Muuse Biixi, ka tirsanaa ayaa taladda hayay markii aanu Somaliland heshiiska la gelanay, ragg xisbiga ka mid ah ayaan muddo laba sanadood ah hawshaasi wada wadnay. Muuse-na wuxuu ahaa nin maamulka xisbiga Kulmiye iyo mus-danbeedka ah, markaa wixii aanu hore ugu soo heshiinayna wuu la socday, tii ayuunbaanu imikana isla soo qaadnay”.

Prof. Galaydh, ayaa amaanay qaabkii ay doorashadii madaxtooyadda ee 13-kii November u dhacay, isagoo ku amaanay xisbiyadda iyo shacabkaba in doorashadaasi ay si nabad ah ku dhamaatay.

“Doorashadii madaxtooyadda oo aan anigu runtii isaga iyo xisbiyadda kale ee mucaaridka ah iyo shacabka Somaliland-ba aan ku bogaadiyay, sidii nidaamka fiican ahayd  ee nabadda wax waliba ay ku dhamaadeen”ayuu yidhi Cali Galaydh oo  shalayu waramayay BBC.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay aragtidda madaxweynaha la doortay iyo hogaamiyeyaasha mucaaridka ee ku aadan heshiiskii Khaatumo iyo  waxaanu yidhi “Muuse Biixi iyo labadda xisbi ee mucaaridka ah madaxdoodda intuba taageero buuxda  ayay wada siiyeen wada hadaladii iyo heshiiskii aanu  la galnay Somaliland. Intii lagu jiray ololihii doorashadda saddexda musharaxba khudbadahooda way ku soo darayeen heshiiskaasi, imika intii doorashadu dhacday kadibna saddexda-ba waanu is argnay.

Waxaana nasiib wanaag ah in saddexdooduba  ay leeyihiin heshiiskaasi 100% waanu taageeraynaa, waa in halkii uun laga sii amba qaadi lahaa in heshiiskaasi uu hirgallo, ayay diyaa ru wada yihiin”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply