“Xeerarkani waxay ku dhaqan gelayaan sidii labada gole ay ku ansixiyeen”

0
377

Hargaysa (Dawan): Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  shalay markii labaad  madaxweynaha dib ugu celiyay  saddex xeer oo ay hore goluhu u ansixiyeen, kuwaasoo uu  mar labaad u soo   gudbiyay madaxweynaha xilka ka sii degaya  Axmed Siilaanyo.

Saddexdan xeer ee dib loogu  celiyay madaxweynaha waxay kala yihiin xeerka booliska, xeerka xabsiyadda iyo xeerka duulista iyo hawadda saddexdaas xeer oo goluhu  hore  u  ansixiyay, isla markaana la mariyay golaha Guurtidda.

Kadibna waxaa loo gudbiyay madaxweynaha, iyadoo madaxweynuhu-na uu wax ka bedel ku soo sameeyay. Inkastoo saddexdan xeer ay muddo hor yaaleen golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha  golahaasi Baashe Maxamed Faarax,  oo fadhiga  shalay shir-gudoominayay ayaa faahfaahin ka  warbixiyay  sababta ay  saddexda xeer mar kale dib ugu celiyeen madaxweynaha.  Waxaannu yidhi “Madaxweynuhu saddexda xeer-ba wuxuu ku soo sameeyay wax-ka-beddel. Sida dastuurku dhigayo waxa weeyi, marka goleyaashu madaxweynaha u gudbiyaan xeer, wuxuu xaq u leeyahay in muddo 21 maalmood ah ku saxeexo ama uu wax-ka-beddel ku sameeyo.

Markaa madaxweynuhu wuxuu maray dariiqii sharciga ahaa, saddexda xeer-na wuxuu ku sameeyay wax-ka-beddel. Xeerarkani muddo badan ayay golaha Wakiillada dhex yiileen. Soo jeedinta madaxweynaha goluhu waa in uu raaco, haddii lagu qanci waayo soo jeedinta madaxweynaha.”

 

Waxaanu intaas raaciyay “Waxaa loo baahan yahay in 55 xildhibaan ay u codeeyaan xeerka. Markaana waxa weeye in sidii xeerku kaga baxay golaha Wakiillada, waa in madaxweynuhu ku saxeexo. Haddii la waayo in  aqlabiyadii goluhu ku ansixiyay ee  55 xildhibaan ahayd, xeerkaasi wuu dhimanayaa.  Waa in markaa xeer cusub la soo sameeyaa”

Xildhibaanadii fadhigaas  joogay ayaa la waydiiyay laba su’aalood oo kala ahaa in ay ku qanacsan yihiin soo jeedintii madaxweynaha, taasoo markii ay u codaynayeen ay diideen. Iyadoo markii  labaad-na loo codeeyay in xeerkii labada gole ee Guurtidda iyo Wakiilladu gudbiyeen ay raacsan yihiin iyo in kale. Cod aqlabiyad ah oo 55 ah ayaanay ku ansixiyeen xildhibaannadu saddexda xeerba.

Geesta kale guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, ayaa  sheegay in saddexda xeer ee ay madaxweynaha ku celiyeen  in sharcigu madaxweynaha farayo in uu sidaas ku saxeexo, ansaxna ay ku noqdaan. Waxaannu yidhi “Markaa soo jeedintii madaxweynaha, madaxtooyada ayaanu ku celinay. Markaa madaxweynuhu waa in uu xeerka booliska, xeerka madaxtooyada iyo xeerkii duulista hawadda, waxaanay ku dhaqan gelayaan sidii labada gole  ay ku ansixiyeen.”

Dhinaca kale waa markii u horraysay ee golaha Wakiillada Somaliland ay madaxtooyada ku celiyaan xeerar uu madaxweynuhu wax-ka-beddel ku soo sameeyay, isla markaana ay hore u ansixiyeen labada gole ee Guurtidda iyo Wakiiladdu.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply